Xog: Faarax C/qaadir oo wada arrin uu ka indha xirnaa Madaxweyne Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka heleyno Madaxtooyada Somalia, ayaa sheegaya in Wasiirka Cadaalada iyo Arrimaha Dastuurka Faarax Sheekh C/qaadir uu Madaxweyne Xassan Sheekh u iftiimiyay dhaqaale badan uu kasoo xaroon kara Dekada Magaalada Muqdisho.

Faarax C/qaadir ayaa waxa uu Madaxweyne Xassan u bidhaamiyay inay muhiim tahay in Dekada lagu wareejiyo Shirkada laga leeyahay Dalka Turkiga, islamarkaana Dekada laga nadiifiyo gabi ahaan shaqaalaha hadda ku magacaaban si meesha ay ula wareegto shirkadaasi.

Sidoo kale, Wasiir Faarax ayaa waxaa la Tilmaamayaa in Xassan Sheekh uu kula taliyay in hoosta laga xariiqo rabitaanka Shirkada Turkiga ee xiligaani ku howlan la wareegida Dekada, taasi oo ah in gabi ahaan shaqada laga fadhiisin doono shaqaalaha, islamarkaana laga howlgaliyo shaqaale ay wadato DF oo aan sidaa usii tiro badneyn.

Faarax ayaa la sheegayaa in xikmada hadalkiisa uu ahaa mid ku siman dhaqaalaha uga soo xaroon kara dhanka shirkada la wareegeyso Dekada, balse uusan eegin khasaaraha ka dhalankara, maadaama ay halkaasi ku tiirsan yihiin inkabadan  5,530 xubnood oo muruq maal u badan, kuwaa oo Dekeda uga kala yimaada qaybaha kala duwan ee Magaalada Muqdisho, halkaa oo ay ka dabaraan nolol maalmeedka qoysaskooda, waxaana suuragal ahaan karta in dadkaasi haddii ay dhacdo in laga ceyriyo shaqada ay kasoo jeestaan dhanka Kooxaha ku lug leh Ammaan darida iyagoo ay u muuqaneyso dhabarjabka kaga imaanaya dhanka Dowlada.

Madaxweyne Xassan oo ka duulaayo hadalka iyo Sirta dhaqaale oo ay wadaageen Wasiirka Dastuurka, ayaa waxa uu sheegay in shirkad laga lee yahay dalka Turkiga ay la wareegeyso guud ahaan hawlaha Dekeda Magaalada Muqdisho, iyadoona maalgelin ku samayn doonto.

Madaxweynuhu ma uusan sheegin magaca Shirkadda lagu wareejinaayo shaqada Dekeda Muqdisho, si ay u horumariso Dekeda oo ku taal Degmada Xamar Jajab.

Warar kala duwan, ayaa ka soo baxaaya magaca shirkadda ay Dowladda Somaliya ku wareejisay Maamulka Dekeda Magaalada Muqdisho, balse wararka ugu buuran waxay sheegayaan in shirkadaasi lagu magacaabo Al khayrat.

Mas’uuliyiin ka socday Turkiga oo la kulmay Madaxda Somalida ee Dekeda, ayaa waxay u sheegeen inaanay doonayn Shaqaalaha faraha badan leh ee ka hawlgala Dekeda, isla-markaana ay doonayaan oo kaliya 350 xubnood, waana tan keentay in Madaxweyne Xassan iyo Faarax C/qaadir ka eegaan heshiiskaasi dhanka dhaqaalaha.

Dhanka kale, Xassan iyo Faarax ayaa isla gartay in la boobsiiyo Arrimaha Dekada islamarkaana la meel-mariyo Go’aanka ay shirkadaasi ku joojineyso shaqaalaha badan.

Xassan Sheekh oo ah Madaxweynaha Dalka ayaa waxaa badi lagu xantaa inuu u nugul yahay Amarada kasoo baxa Xafiiska Wasiirka Cadaalada iyo Arrimaha Dastuurka, waxaana Tusaale u noqonaaya dhacdooyinkii dalka ka dhacay Labadii sanno oo ay Xilka heyso Dowlada Dam-Jadiid oo gabi ahaan kasoo maaxeysay Maskaxda Faarax C/qaadir, iyadoona uu fulinteedu lahaa Madaxweyne Xassan.

Xassan iyo Faarax ayaa waxa ay iminka Amar ku bixiyeen in Dekada lagu wareejiyo shirkadaasi, islamarkaana la socodsiiyo Codsiyada Shirkada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com