Nairobi (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Weli Sheekh Axmed, ayaa inta uusan u safrin dalka Britain waxa ay Madaxweyne Xasan Sheekh isla meel dhigeen in arrinta Khilaafka keentay ee Aggaasimaha Hay’adda Nabadsugida la soo afjaro.
Wararku waxa ay sheegayan in kullan Xassan iyo C/weli ku dhex maray Villa Somalia Taariikhdu markii ay aheyd September 12, 2014 xili habeen ah, ay isla meel dhigeen in xil ka qaadista Agaasimaha Hay’adda Nabadsugida ay u dhacday si sharci ah, kadib markii looga qaaday gacan-taag, balse uu RW C/weli Madaxweynaha ku qanciyay in arrinta halkaasi lagu joojiyo.
R/wasaare C/weli ayaa waxa uu Xassan Sheekh ku qanciyay in Aggaasimaha uu iska sii wato howshiisa, islamarkaana aan lasii qaad-qaadin wararka la xiriira C/llahi Sambaloolshe oo ah Aggaasimaha Sirdoonka Qaranka.
R/wasaare C/weli ayaa waxa uu Madaxweyne Xassan ka codsaday inta uu kulankooda socday in Golaha wasiirada uu kala hadlo Arrintaasi, islamarkaana aysan faraha lasii galin Arrimaha Sambaloolshe si meesha looga saaro xil ka qaadista.
Sidoo kale, Warar aan la hubin, ayaa sheegaya in kullan gaar ah uu Ra’isulwasaaraha la qaatay Aggaasimaha ka hor inta uusan u dhoofin Britain, waxaana la sheegayaa inay isla meel dhigeen inuu sii wato howshiisa kana fogaado Arimaha keenay in xilka laga qaado oo ay kamid tahay dhaqanka iyo diblumaasiyada oo qaab kale loo adeegsado.
Dhanka kale, waxaa hadda lagu wadaa in Aggaasimaha Nabadsugida uu sii ahaan doono Sambaloolshe oo si ku talagal ah xilka looga qaaday hayeeshee iminkana si siyaasadeysan howshiisa uu usii gudan doono.
Caasimada Online
Xafiiska Nairobi