Maxaa xalay ka dhacay Villa SOMALIA?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Madaxtooyada Somalia, ayaa sheegaya in Habeenimadii xalay uu halkaasi ka dhacay Kullan khaas ahaa oo u dhexeeyay Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowlada Federaalka Somalia.

Kullanka ayaa la sheegayaa inuu ahaa mid lagu lafa guraayay Arrimo dhowr ah oo kasoo horjeeda Ra’isulwasaaraha Dowlada C/weli Sheekh oo xiligaani ka maqan dalka.

Wararku waxa ay sheegayaan in kullanka oo muddo qaatay looga arrinsanaayay sidii loo soo afjari lahaa Mooshino laga diyaarinaayo R/wasaaraha Dalka oo xiligaani aysan isku fiicneyn Madaxweyne Xassan.

Kullanka ayaa waxaa la sheegayaa inay  goobjoog ka ahaayen ku dhawaad 23-Xildhibaan oo Mab’da ahaan kasoo horjeeda C/weli Sheekh, waxa ayna ka arinsanayeen sidii loo soo gabagabeyn lahaa Mooshinka mudada qaatay.

Sidoo kale, Madaxweynuhu wuxuu dhabarka ka riixayaa mooshinka laga diyaarinaayo Ra’isulwasaaraha Xukuumada, xilli loo arkay in uu caqabad ku yahay saxibada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo in uu xil ka qaadista ku bilaabay.

Xildhibaanada Baarlamaanka ee ku sugan Magaalada Muqdisho, ayaa waxay xilligaan ku hawlan yihiin diyaarinta mooshinka ka dhanka ah Ra’iisal Wasaaraha, ka dib markii uu mugdi soo kala dhex galay isaga iyo Madaxweynaha.

Dhanka kale, Kullanka ka dhacay Madaxtooyada ayaa waxa uu noqonayaa kii Seddexaad oo dhex mara Mas’uuliyiintaasi tan iyo markii uu Ra’isulwasaaraha uu u safray Dalka Britain September 15, 2014 halkaasi oo uu uga qeybgalaayo shir looga hadlaayo Arrimaha Ciidamada.

Dhanka kale, Mugdigaani ayaa waxa uu imaanayaa, iyadoo uu Ra’isulwasaaraha shaaciyay inuusan jirin Khilaaf kala dhaxeeya Madaxweyne Xassan, balse laga yaab inuu dhaco is fahan’waa ku xeen-daaban Howlaha Dowlada hor yaal.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com