Hub ay xadeen saraakiisha Amisom oo lageeyay hoyga saraakil ka tirsanaa DF

Kampala (Caasimada Online) – Askari Ugandhese ah oo Bakhaar-haye hub ka ahaa AMISOM ayaa ku eedeeyey Labo ka mid ah Saraakiisha Hoose ee Ciiddanka inay siiyeen lacag dhan 200-dollar, si uu Bakhaarka uga bixiyo 1,000 xabbo oo rasaas ah oo uu geeyey mid ka mid ah hoyga ay Saraakiishaasi ka degganaayeen Somalia.

Askarigaasi oo lagu magacaabo Joseph Mukasa oo 27-jir ah ayaa eedeymahaasi ku soo bandhigay Kulan ay Maxkamadda Guud e Milliteriga Uganda ku yeelatay Degaanka Makindye, oo uu guddoominayey Sarreeye Gaas Levy Karyhanga.

“Madaxdayda waxay I siiyeen 200-dollar, si aan 1,000 xabbo oo rasaas ah u geeyo hoygooda” ayuu yiri Askarigaas oo ku markhaati furay Labadaa Sarkaal oo lagu kala magacaabo Dhamme Bosko Mawanga iyo Labo Xiddigle David Eloki Ewagu.

Waxaana uu intaasi ku daray inay kharajkaasi laaluushka siiyeen bishii February ee sannadkan, xilligaas oo ay ka wada tirsanaayeen Hawlgalka AMISOM.

Dhamme Bosko Mawanga waxa uu Taliye Koox ka ahaa Guutadda 3-aad ee Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ahaa AMISOM, halka Labo Xiddigle David Eloki Ewagu ka ahaa Taliye ka ahaa Ciiddanka Difaaca Cirka ee Kooxda 13-aad ee Ciiddanka Uganda ee ka tirsanaa Hawlgalka AMISOM.

Askariga markhaatiga ahaa waxa uu sheegay inay Labada Sarkaal ku amreen inuu kiish ku qaado rasaasta oo uu geeyo hoyga ay ka degganaayeen Xeradda Ciiddanka ku lahaayeen Muqdisho, wuxuuna intaasi ku daray inay ugu hanjabeen haddii uu sheego inay tallaabo ka qaadi odonaan.

Joseph Mukasa waxa uu Fadhigii Maxkamadda ka hor caddeeyey in Sarkaalka lagu magacaabo Dhamme Bosko Mawanga u yeeray, kadibna uu siiyey lacag dhan 200-dollar.

“Dhamme Bosko Mawanga waxa uu igu yeeray inaan gurigiisa ugu imaado, wuxuuna I siiyey 200-dollar. Waxaana uu ii sheegay haddii aan qof kale u sheego inaan rasaas siiyey inaan keligey la kulmi doono dhibaato, maadaama aysan jirin qoraal ay labada Sarkaal saxiixeen” ayuu ku calaacalay Bakhaar-hayahaasi.

Wargeyska the New Vision oo Dhacdadan baahiyey, ayaa ugu dambayn tilmaamay inay dacwadda Maxkamadda weli socoto, oo uu Garsooruhu amray in mar kale dib loo dhegeysto Kiiskaasi.

Ma aha markii ugu horreysay oo Saraakiil ka tirsan ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM lagu soo oogo xatooyo qalab ciiddan, waxaana jira Saraakiil Sarsare oo iyagu lagu helay inay iibsadeen shidaalkii ciiddanka AMISOM oo la soo taagay Maxkamadda Milliteriga Uganda.

Xigasho the New Vision

Caasimada Online

Xafiiska Kampala

Caasimada@live.com