Qofki runta aanan ku dhaqmin Been ayaa u qarsoon, waxaan aad ugu xumahay in Xasan Shiikh Muqdisho kaga tago Odayaashii iyo Siyaasiyiintii ka soo jeeday Jubba, halka uu u hogaansamay Jabhadii Raaskambooni.
Waxaan aad ugu xumahay in Maamulka Puntland lagu casuumo Siyaasad aysan shaqo ku laheyn balse ay ka tahay mida ku shideeysa dabka Gobolada Jubbooyinka iyada oo ku raadineeyso isirwadaag aanan jirin.
Taariikhda ayey galeeysaa waxa Xasan ku kalifay in uu u hogaansamo Axmed Madoobe oo aan ognahay in uu ka yimid Walwaal iyo Wardheer halka dadkii degenaa gobolka laga dhigay kuwa Qaxooti ku ah Muqdisho iyo gobolada kale ee Dalka.
Waxaan isweeydiiyad Axmed Madoobe ma Damjadiid ayuu noqday, xaqiiqdii waa sidaa, sow lama dhihi karo Damjadiid ayaa ku shiraaya Kismaanyo?
Shacabka Soomaali aad ayuu u soo dhaweeynayaa soo celinta nabada Muqdisho, aad ayaan ugu faraxsanahay, balse waxaan aad ugu xunahay sida ay siyaasada u socoto oo ah mid horseedi doonta xasiloonidari, sabbabta oo ah haddii nabad lagashaqeeynaayo waxaa qumaneeyd in shacuubta degani Jubbooyinka ay qeyb ka ahaadaan dib u heshiisiinta hada laga bilaabay Kismaayo.
Maxey dhali doontaa Bay? Welise ma fool-diin ayeey ku jirtaa?
Fool-diinka (inta aan la dhalin ayaa waxaa yimaada xanun marna taga marna xanuuniya qofka) – Waa qaska ka socda Bay.
Nunow waa uu diiday in uu ku biiro Damja-diid, waa uu diiday in uu Jeebabka buuxsado, reer Bay waa ay diideen Damja-diid hadafka guracan ee: Weybi oo xukun.
Xaqiiqdii waxaa ay dowlada diidan tahay rabitaanka shacabka iyada oo aay doorbiday in ay gacanta ku rimiso dhismaha Saddex Gobol, halka indhaha laga qabsanaayo in Lixda Gobol ay tahay xal abuurikara midnimada Soomaaliya iyo wadajirka.
Waxaan aad u taageerayaa sida shacabka Bay ugu soo banaanbaxeen kuna diideen in qowmiyada Digil & Mirfle lagu kala qeybiyo Jubba iyo Koonfur galbeed, waxaan aad ugu dhiiragelinaayaa in ay maalin iyo habeen wadaan mudaaharaadka caalamkana u soo bandhigaan in dowlada federaalka dhagaha ka fureeysatay shacabka degan dhulkaa.
waxaan aad u jeclahay in aad darbiyada Gobolka Bay ku qortaan ninwalba oo caado-qaate ah magaciisa si umada aay u arkaan taarikhda mugdiga ah oo aay rabaan in aay u horseedaan Digil & Mirifle, Jawaari waxaa quman in uu garawsado shacabka rabitaankooda haddii kale waxuu gali doonaa liiska mugdiga.
W/Q Dr. Cali A. Hirabe
Dr. Hiraabe waxaa kala xiriiri kartaa: [email protected]
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.