Maxaa ka cusub mooshinka C/Weli ka dhanka ah ee MUQDISHO ka socda?

Xilli lagu wado in Sabtida soo socoto uu furmo fadhigii 5-aad ee Baarlamaanka Somaliya, ayaa waxaa Magaalada Muqdisho ka soconaayo diyaarinta mooshinkii ka dhan ah Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federalka ee Somaliya Dr. C/weli Sheekh Axmed Maxamed.

Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa 17-kii bishii Janaayo ee sanadkaan soo magacaabay Ra’iisal Wasaare C/weli Sheekh Axmed, ka gadaal markii 2-dii bishii December uu Baarlamaanku kalsoonida kala laabtay Ra’iisal Wasaarihii hore ee Somaliya Dr. Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).

Xildhibaanada Baarlamaanka ee ku sugan Magaalada Muqdisho, ayaa waxay xilligaan ku hawlan yihiin diyaarinta mooshinka ka dhanka ah Ra’iisal Wasaaraha, ka dib markii uu mugdi soo kala dhex galay isaga iyo Madaxweynaha.

Madaxweynuhu wuxuu dhabarka ka riixayaa mooshinka laga diyaarinaayo Wasiirka 1-aad ee Xukuumada, xilli loo arkay in uu caqabad ku yahay saxibada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo in uu xil ka qaadista ku bilaabay.

Hoteelada Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ka soconaayo shirar gaar gaar ah oo ay ku yeelanayaan Xildhibaanada Baarlamaanka, iyagoo markaasi ka arrinsanaaya mooshinka cusub ee lagu wado, inay u gudbiyaan Guddoonka Baarlamaanka Somaliya.

Sidoo kale waxaa soo badanaaya mashquulka xoogga badan leh ee ka jira Bankiga Dhexe ee Somaliya, kaa oo aad arkeyso in lacagaha looga qaadanaayo waraaqaha ay ku saxiixan yihiin masuuliyiinta ku dhow dhow Madaxweynaha. Waxaana lacagahaan lagu iibsanayaa Xildhibaanada ku sugan Caasimada, si ay u taageeraan rabitaanka garabka Madaxweynaha.

Mooshinka laga diyaarinaayo Ra’iisal Wasaaraha, ayaa waxaa qayb ka noqon doono eedeymaha ah, in Xukuumaduusi ay tahay mid tiro badan, oo aan wax qabad badan lahayn, inaanay horu-socod muuqdo samayn mudadii ay jirtay iyo inaanay dhisin kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka.

Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Somaliya, ayaa sheegay in dhaqaalihii lagu ridi lahaa Ra’iisal Wasaaraha, ay durbaba gacanta ku dhigeen ragga ku dhow dhow Madaxweynaha ee ka tirsan Xukuumada C/weli.

Sarkaalkaan, ayaa tilmaamay in dalalka Kuwait iyo Qatar ay ka jawaabeen codsi kaga yimid xubnaha ku dhow dhow Madaxweynaha, oo ahaa in laga gacan-siiyo sidii daaqada looga saari lahaa Ra’iisal Wasaare C/weli Sheekh Axmed.

Xildhibaanada Baarlamaanka ee joogga Magaalada Muqdisho, ayaa u yeeraaya saxibadooda kale ee ku sugan Magaalada Nairobi iyo dalalka kale ee dibadda, si ay u yimaadaan Magaalada Muqdisho, qaybna uga noqdaan tallaabada xafiiska looga eryaayo Ra’iisal Wasaaraha.

Marka laga soo taggo Xildhibaanada u gurbinaysa garabka Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa waxaa dhanka kale jira tiro Xildhibaano ah oo taageersan Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federalka ee Somaliya. Iyadoo uu xalay beeniyay in uu khilaaf kala dhaxeeyo Madaxweynaha Somaliya, mar uu la kulmay Somalida England.

Kolka laga soo taggo hadalka ka soo yeeray Ra’iisal Wasaaraha, ayaa waxay hadana Madaxtooyada Somaliya kuu xaqiijineysaa in xurgufi ay ka dhex tolan tahay Madaxweynaha iyo Wasiirka 1-aad ee Xukuumada Somaliya Dr. C/weli Sheekh Axmed.

Iyadoo ay shaqo adag xilligaan hortaal Baarlamaanka Somaliya, ayaa waxaa dhinaca kale kuu muuqaneyso inaanay si sax ah ugu adeeggin ummadaan dhiban, iyagoo hadba la safta garabyada Dowladda ee is haaya, dhinacii dhaqaalo bata.

Arrinta la xiriirta in shaqada laga eryo hogaanka Xukuumada, ayaa waxay sababi kareysaa in aynaan dalku ka dhicin wax doorasho ah sanadka 2016-ka, waxaana markaasi loo baahan doonaa in muddo laba sano ah uu xilka ku darsado Madaxweynaha. Wuxuuna horey Xafiiska Madaxweynuhu u diyaariyay qorshe uu muddo laba sano ah uu xilka isugu cabeynaayo.

Haddii Xildhibaanada Baarlamaanka ay ku guuleystaan ridada Ra’iisal Wasaare C/weli, ayaa waxa uu noqonayaa Ra’iisal Wasaarihii labaad oo shaqada laga eryo, wax ka yar muddo hal sano ah.

Si kastaba ha-ahaatee lama garanaayo waxa ay dunidu kaga jawaabi doonto khilaafka Madaxda Dowladda, ee sababa in xilka laga xayuubiyo Wasiirada 1-aad ee Xukuumadaha Somaliya yeelato.

Isha: Dhacdo.com