DFS oo si aan looga baran u beenisay war laga faafiyay oo xasaasi ah (Aqri)

Nairobi (Caasimada Online)-Danjiraha Somalia uga wakiilka ah dalka Kenya, Ambassador Mohamed Ali Ameriko ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi Khaas ah oo uu siiyey Wargeyska the Star ee ka soo baxa magaalladda Nairobi, wuxuuna xusay inaysan Dowladda Federalka marnaba qaadicin Shirarka looga xaajoonayo hakadka ku yimid dadaalka dib loogu soo celinayo ugu yaraan 500,000 oo Qaxooti Somali ku sugan Xeryaha Qaxootiga ee W/bari Kenya.

Ambassador Mohamed Ali Amerika oo haatan booqasho ku jooga dalka Kanada, ayaa sheegay in dib-u-dhaca wada hadalladaasi u sabab tahay iyadoo jihadda laga beddelay nidaamkii uu Shirka saddex-geesoodka ee Dowladaha Somalia, Kenya iyo Hay’adda UNHCR u socday.

Danjiraha waxa kaloo uu tilmaamay inay dowladda Federalka dalbatay in Shirarka Wada-xaajoodka lagu qabto magaalladda Muqdisho, inkastoo ay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Kenya walaac ka muujisay xaalladda ammaanka Muqdisho.

Dhinaca kale, Danjiraha Somalia uga wakiilka ah dalka Kenya, Ambassador Mohamed Ali Ameriko waxa uu xusay in ay Dowladda Federalka iyo Hay’adda QM ugu qaabilsan arrimaha Qaxootiga “UNHCR” walaac xooggan ka qabaan ammaan-xumidda ay Qaxootiga soo laabanayo kala kulmi karaan deegaanadooda.

Ku-simaha Madaxa Waaxda Arrimaha Qaxootiga Kenya, Haaruun Komen ayaa isagana sheegay in sababao dhinaca maaliyadda u hakadeen qorshaha dib-u-soo-celinta Qaxootiga Soomaalida.

Waxa uu intaasi ku daray inay qorsheynayaan inay Qaxootiga Somalia ee iskooda ku soo laabanayo waddo nabadeed uga dhigtaan Deegaannadda Amuma, Mandheera, Liboya iyo Wajeer oo ay kaga sii gudbi karaan xuduudka Kenya la wadaagto Somalia.

Xigasho: The Star

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

Caasimada@live.com