Maamulka Jubba oo sheegay haddal aysan ku qancin Beelaha qaar (Aqriso)

Kismaayo (Caasimada Online) – Iyadoo maalintii shaley magaalada Kismaayo uu ka furmay shir dib u heshiisiin oo loo qabanaayo beelaha deggan Jubbooyinka iyo Gedo ayaa waxaa shirkaas qaadacay korneel Barre Aadan Shire Hiiraale oo ka mid ah dhinacyadii ku dagallamay Kismaayo.

Haddaba maamulka kumeel gaarka ee Jubba ayaa leh cid ka maqan shirka ma lahan oo waa loo dhan yahay.

Wasiirka warfaafinta maamulka kumeel gaarka ee Jubba, Ibraahim Baajuuni oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shirka Kismaayo uu yahay mid ay u dhan yihiin dhammaan beelaha ku nool Jubbooyinka iyo Gedo iyo xittaa dhinacyada ku dagaallamay Kismaayo.

Mar la weydiiyay in shirka ay ka maqan yihiin garabka Barre Hiiraale, wuxuu tilmaamay in Barre Hiraale uu yahay shaqsi balse beeshiisa iyo dhinacyadii la jiray ay ku sugan yihiin shirka oo ay ka soo qeybgaleen sida uu yiri.

Wasiirka waxaa uu tilmaamay in shirkan oo maalintii labaad uun socda in laga soo qeybgaliyo Barre Hiiraale oo horey u oggolaaday in uu ka qeybgalo shirka Baaydhabo.

Hadalka wasiirka warfaafinta maamulka kumeel gaarka ee Jubba ayaa ku soo aadaya iyadoo weli dhinac ka mid ah kooxihii ku dagaallamay magaalada Kismaayo ay qaadaceen shirka Kismaayo ka socda.

Ma cadda in Barre Hiiraale uu dib ugu biiri doono shirka Kismaayo iyo in uu ku adkeesan doono mowqifkiisa ku aadan in uu qaadacay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com