Jawaari oo ka warbixiyay sababta uu ugu soo laabtay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Arbaca dib ugu soo laabtay guddoomiyaha golaha baarlamaanka, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari kaasoo maalmahan ku sugnaa magaalada Baydhabo oo maalintii 3-aad uu ka socdo shirka dib u heshiisiinta beelaha deggan gobalada koonfur galbeed.

Jawaari oo u tagay Baydhabo in uu goobjoog ka noqdo shirka halkaas ka socda ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay qaabka loogu soo dhaweeyay magaalada intii uu ku sugnaa.

Ka hor inta uusan ka soo duulin garoonka diyaaradaha waxaa uu salaan sharraf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Itoobiya ciidamada dowladda Soomaalida sida uu soo sheegay wariye ka tirsan caasimada Online.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa carabka ku adkeeyay in shirka dib u heshiisiinta ee Baydhabo uu qeyb ka yahay siddii xal loogu heli lahaa gobalada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Jawaari ayaa rajo fiican ka muujiyay in shirka Baydhabo ay ka soo bixi doonaan natiijo lagu farxo oo mideeneysa dadka deggan dadka ku dhaqan seddaxda gobal ee koonfur galbeed, isagoona intaas ku daray in la mideen doono labada maamul ee magaalada ka dhisan.

Ugu dambeen guddoomiyaha baarlamaanka ayaa xusay in uu magaalada Muqdisho u yimid siddii uu uga qeybgali lahaa fadhigga shannaad ee golaha baarlamaanka oo 20-ka bishan furmi doona.

Si kastaba, maamulka lixda gobal ee koonfur galbeed ayaa weli ku adkeesanaya in ay yihiin maamul sharci ah oo ka dhisan lix gobal oo kala ah, Shabeellaha Hoose, Baay, Bakool, Jubbooyinka iyo Gedo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com