Wufuudda caalamiga ah iyo DF oo laga saarayao Madaxtooyada KISMAAYO

Kismaayo (Caasimada Online) – Ilo-xog-Ogaal ka tirsan shaqaalaha Madaxtooyada Kismaayo, gaar ahaan kuwa khuseeya Xafiiska Hoggaamiyaha Maamulka Jubba Axmed Madoobe, ayaa inoo xaqiijiyay in Wufuudii ka kala soctay Beesha Caalamka iyo kuwa Dowlada Federaalka Somalia Boorsooyinkooda laga saarayo Xarunta Madaxtooyada Kismaayo.

Ilo wareedka ayaa xaqiijinaaya in arrintaasi ay ka danbeysay kadib markii Wufuudaasi aysan xalay gamcin hurdada, iyadoona la maqlaayay gurxanka Hubka culculus oo ku dhaceysay daafaha Madaxtooyada.

Waxaa la soo warinayaa in Arrintaasi ay keentay walaac islamarkaana wufuudii ka kala soctay Dowlada Federaalka, UNSOM, Wakiilo ka kala socday EU,Italy,Ethiopia,Jaamacada Carabta,AU iyo qaar kale ay goor dhow Alaabahooda u rarteen Garoonka Kismaayo oo la Tilmaamay inay ka amaanbadan tahay Madaxtooyada.

Wafdiga oo halkaasi u jooga ka qeybqaadashada bilowga Shirka ayaa waxaa Saakay lagu amray inay u wareegaan Garoonka oo gacanta ugu jira Ciidamada AMISOM, islamarkaana leysu haleyn karo Ammaankeeda.

Arrintaani ayaa ka danbeysay kadib markii Habeenimadii xalaya la maqlaayay Dhawaqa Rasaas iyo Madaafiic oo ku dhaceysay Nawaaxiga Madaxtooyada Maamulka KMG ah ee Jubba oo ku taalada Magaalada kismaayo.

Dhanka kale, Maamulka KMG Jubba ayaa iyaguna walaac ka muujinaaya Arrintaasi xili uu bilow yahay Shirka Dib u heshiisiinta, waxa ayna ka cabsi qabaan in howshu ay intaa kasii adkaato.

Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

Caasimada@live.com