Xog: Farmaajo iyo Biixi oo la shaaciyey inay wada xiriiraan kadib kulankii Addis Ababa

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynayeyaasha Soomaaliya iyo Somaliland, Farmaajo iyo Muuse Biixi ayaa dhinaca telefoonka ku wada xidhiidha tan iyo intii ka dambeysay kulankii uu Abiy Ahmed garwadeenka ka ahaa ee uu markii ugu horeysay ku kulansiiyay caasimada dalka Itoobiya ee Addis-Ababa, sida uu shaaciyay Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa.

Siyaasi Ismaaciil Hure Buubaa oo ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, ayaa sheegay in uu ogyahay in Farmaajo iyo Biixi ay wada-hadlaan wixii ka dambeeyay kulankaasi Addis-Ababa, iyagoona ka wada-hadlaya arrimaha wada-hadalada labada dhinac iyo danaha iskaga xiran Soomaaliya iyo Somaliland.

Farmaajo iyo Muuse Biixi ayaa markii u horeysay ku kulmay Addis-Ababa, kulankaasi oo uu qorshaheedu lahaa Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed oo isagu cadaadisyo kala duwan labada dhinac ku saaraya sidii ay dib ugu furmi lahaayeen wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland.

Siyaasi Buubaa ayaa sidoo kale sheegay in xiligan la furo wada-hadal ay guul weyn kasoo hoyn karto Somaliland, isagoona si weyn usoo dhaweeyay dalabkii odayaasha dhaqanka ee ku aadana ka qeyb noqoshada Wada-hadalada labada dhinac.

Buubaa ayaa soo jeediyay in Wada-hadalada labada dhinac ay ka mid noqdaan cid kasta oo muhiim u ah wada-hadaladaasi, maadama ay tahay arrin Masiiri ah oo khuseysa dadka oo dhan, isla markaana la rabo in loo maareeyo si degan oo aan caadifadi ku jirin.

Siyaasi Ismaaciil Hure Buubaa oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yiri “Sidii ay Addis Ababa isugu tageenba Farmaajo iyo Biixi, Wararka aan Anigu hayaa waxa weeyaan way wada xidhiidhaan oo way wada-hadlaan, Arrimahan iyo Arrimo kale oo badan oo khuseeya Somaliland iyo Soomaaliya ayey ka wada-hadlaan, laakiin Arrintu waxay u baahan tahay sidii loogu gundo degi lahaa oo Qaybaha kala duwan ee Mujtamacuna uu si deggan oo aan Caadifad lahayd uu arrintaa u soo geli lahaa odhan lahaana waxay iyaga la tahay, Waayo? Dawladdu waxaan Dadku raalli ka ahayn qaadan mayso”.

“Arrintaad doonayso inay kuu suurto-gasho waa in Ciddii aad la doodaysey iyo Geeska Afrika Dawladaha ku nool ee arrintani khusayso iyo arrimo badan ayaa u baahan deraasaadkii loo baahnaa laga sameeyo, arrintaasi waa arrin muhiim ah oo saamaynaysa Qof kasta oo Somaliland jooga, sidaasi awgeed bay ila tahay hadalkii ay soo jeediyeen Madax-dhaqameedka qaarkood ee ay yidhaahdeen Wada-hadalada waa inaanu ka qayb-qaadanaa”.

Wuxuuna intaas sii raaciyey “Aniga waxay ila tahay inay arrin muhiim ah tahay, Maaha Madax-dhaqameedka oo keliya, dhinaca Saxaafadda, dhinaca Bulshada, guud ahaan, sababtoo ah Arrinta laga hadlayaa waa arrin khusaysa dadka oo dhan, markaa Aniga waxay ila tahay arrintaa in si deggan oo aan Caadifadi ku jirin oo himilooyinka aad leedahay ay u suuroobi lahaayeen in loo galo”.

Waxa si weyn isu-soo taraya dadaalada lagu rabo in dib loogu furo wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland, iyada oo uu sii xoogeysanayo qorshaha uu Abiy Ahmed ka leeyahay wada-hadaladaasi iyo dib u furidooda, isla markaana uu arrinkaasi cadaadisyo kala duwan ku saarayo Madaxda labada dhinac.