27.2 C
Mogadishu
Wednesday, May 21, 2025

Xog: Farmaajo & Laftagareen oo Qatar ku shiray iyo DF oo 3 arrin ka ogolaatay Laftagareen

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen oo maalmahaan dibadda ku maqnaa soona maray dalka Imaaraadka Carabta oo safar qarsoodi uu ku tegay ayaa magaalada Dooxa ee dalka Qatar kulan qarsoodi ah kula yeeshay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Madaxweyne Laftagareen oo markii hore la sheegay in safar qarsoodi ah uu ku tegay dalka Imaaraadka Carabta ayaa uga sii gudbay Qatar, halkaas oo Farmaajo uu kula yeeshay kulan ay albaabadu u xiran yihiin.

Farmaajo ayaa xili ahaa saaxiibka ugu dhow ee Laftagareen, waxaana la sheegay in kulankoodii Doxa ay uga wadahadleen dalabka Xasan Sheekh ee dhismaha Xisbiga cusub iyo sida laga yeelayo, ilo wareedyo noo waramay waxay sheegeen in labada masuul ay aad u gorfeeyeen arrintaas.

Cabsicasiis Laftagareen wuxuu ahaa Madaxweynihii ugu daacadsanaa ee Farmaajo soo dhistay, waxaa lagu xusuustaa in doorashadii xildhibaanada federaalka uu u maamulay sidii Farmaajo rabay, sidoo kale codadkii ugu badnaa ayuu Farmaajo ka helay xubnihii uu u soo xulay Laftagareen, inkastoo looga guuleystay doorashadii dhacday.

Farmaajo waa ninkii isagoo xoog iyo awood dowladeed adeegsanaya Baydhaba geeyey Laftagareen ee Madaxweyne ka dhigay, dhiig badan ayaa halkaas ku daatay, waxaana la dilay dad badan oo xildhibaan uu ku jiray.

Xogta ku saabsan xiriirka Farmaajo iyo Laftagareen waxay sheegeysa in labadoodu dhanka Hooyada ay isaga soo dhawaadaan oo walaalo ay ka yihiin, waxaana Laftagareen lagu tilmaamaa nin ay ka go’an tahay in Farmaajo uusan ka agfogaan oo kala tashada wax kasta oo madaxda dowladda federaalka uu kula heshiinayo.

Laftagareen intii uusan ka tegin Muqdisho wuxuu shirar dhowr jeer dhacay kala qeyb galay Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxda Galmudug iyo HirShabeelle, dhinacyada ayaa isla qaatay in la dhiso xisbi ay ku mideysan yihiin.

Kulamadaas waxaa qeyb ka ahaa guddoomiyaasha labada Aqal ee BFS, waxaana la qorsheeyey in la dhiso hal xisbi oo looga guurayo xisbiga UPD oo labo jeer uu doorasho ku soo galay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Kulamadii dhacay ee xisbiga lagu mideysan yahay looga tashanayey Laftagareen wuxuu ahaa ninka kaliya ee shuruudo soo bandhigay, waxaana la sheegay in sidii uu dalbaday looga aqbalay dhamaan shuruudihii uu watay.

Ilo wareedyo ka agdhow Xasan Sheekh iyo Laftagareen ayaa si isku mid ah u sheegay in Laftagareen uu raadinayey marmarsiiyo ay isku qaban karaan Xasan Sheekh, balse Xasan oo fahamsanaa ayaa ka aqbalay dhamaan shuruudihii uu watay ninkaan, si xeendaabkiisa uu ugu sii haayo.

Cabdicasiis Laftagareen oo ay ka soo xirmeen dhamaan wadooyinkii uu kula dagaali lahaa Xasan Sheekh ayaa safar qarsoodi ah ku aaday dalka dibadiisa, ka hor inta uusan bixin shuruudihii uu soo bandhigay ee laga aqbalay waxaa kamid ahaa:

1 – In la bedelo magaca xisbiga UPD oo la rabay markii hore inuu noqdo magaca xisbiga lagu midoobayo, waana laga aqbalay.

2 – In wax badan laga bedelo heykalkii xisbiga ayuu dalbaday Laftagareen oo hoos loo dhigo saameynta raggii horay ugu jiray xisbiga UPD, kuwaas oo qaarkood deegaankiida ay ka soo jeedaan, isla markaana la dhiso gole sare oo go’aanada ugu dambeeya qaadan kara, waana laga aqbalay.

3 – Laftagareen wuxuu dalbaday in beeshiisa la siiyo kursiga xoghayaha xisbiga, ma kala cada in isaga laga dhigi doono iyo in siyaasi kale uu keensa doono, waana laga aqbalay.

Shuruudo kale ayaa jiray, dhammaantoodna waa laga aqbalay Laftagareen, intaas kadib wuxuu ka dhoofay Muqdisho, isagoo madaxdii uu la shiray u sheegay inuu aadi doono Nairobi Kenya, balse kuma hakan ee wuxuu deg deg ugu sii gudbay Imaaraadka, halkaas uu madaxda dalkaas uu kula kulmay, kuwaas oo diidan qorshaha Soomaaliya looga dhisayo xisbigaas aqoodda leh iyo arrimo kale oo ku saabsan horumarka Soomaaliya.

Cabsicasiis Laftagareen ayaa u sii gudbay Doxa Qatar, halkaas oo Madaxweyne Farmaajo uu kula yeeshay shir ay albaabadu u xiran yihiin, wax faahfaahin ahna aan laga helin waxyaabaha looga hadlay iyo waxa ay ku heshiiyeen.

- Advertisement -

Read more

Local News