Xog: Farmaajo oo go’aan ka gaaray xilalka xubnihii lagu dilay QARAXII 24-ka July

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa go’aan ka gaaray buuxinta boosaskii ay ka geeriyoodeen agaasimayaal, guddoomiyaal degmo iyo masuuliyiin kale oo ka tirsanaa shaqaalaha dowladda Hoose, kuwaas oo ku dhintay qaraxii 24-kii bishii 7-aad ka dhacay Aqalka dowladda Hoose.

Madaxweynaha ayaa Odayaal, Xildhibaano, Siyaasiin iyo masuuliyiinta gobalka Banaadir u sheegay in aan qof aysan ogeyn madaxtooyada Soomaaliya loo qaadan karin boosaska marxuumiinta halka uu sidoo kale amar ku bixiyay in aan xilka laga qaadi karin dadka qaba dhaawacyada ee dibadda ku maqan iyo kuwa gudaha dalka ku sugan.

Amarka Madaxweynaha oo aan aheyn mid lala wadaagay warbaahinta ayaa xogta aan helnay waxay sheegaysaa in uu u dhignaa sidaan.

“Boosaska marxuumiinta geeriyooday kaliya waxaa lagu buuxin karaa qof kamid ah qoysaskooda waa dhaxaltooyo ma jirto qof dibadda looga keeni karo waxaana loo bandhigayaa qoysaska ay ka geeriyoodeen shihiidiinta, xuquuqdii ay lahaayeen ayeyna xaq u yeelanayaan” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Ma jirto wax xil ka qaadis ah ama isku shaadheyn ah oo lagu sameyn karo boosaska masuuliyiinta dhaawacyada ah iyo kuwa kalaba ilaa ay ka soo bogsadaan shaqadoodana dib ugu laabtaan, xaquuqdooda lama taaban karo waxaana shaqadooda sii wadaya ku xigeenada” ayuu sidoo kale yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa hadalkaan amar ahaan u siiyay duqa gobalka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud Filish iyo Xildhibaano u tagay oo doonayay in boosaskaas dad ay wataan loogu magacaabo.

Waa mid kamid ah go’aanada taariikhda geli doono ee ka soo baxa Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inkastoo uusan aheyn mid dibadda yaalo oo ay u soo bandhigeen shacabka Soomaaliyeed.

Waalidiinta dadkii ku geeriyooday weerarkii ka dhacay gobalka Banaadir ayaa maalmihii la soo dhaafay qabay walaac ku saabsan in hadii dadkoodii waayeen hadane ay baqdin ka qabaan in ay waayi doonaan boosaskii ay ka baxeen oo dhaqan ahaan gudaha Soomaaliya looga yeero KURSI DHIIG LEH.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com