Xog: Farmaajo oo laalay shaqsiyaad olole ugu jiray wasiirnimo oo sifo fool xun lagu helay

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo uu ka hor imaaday Shaqsiyaad gaara oo la doonaayo inay kamid noqdaan Golaha Wasiirada.

Madaxweynaha ayaa la xaqiijiyay in Ra’isul wasaaraha uu ka dalbaday in Xubnahaasi laga saaro liiska kadib markii ay ku sifooben Musuq iyo Shaqo xumi muddooyinkii ay lasoo shaqeynaayen Dowladii hore.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Ra’isul wasaaraha ka codsaday in liiska Golaha laga fogeeyo dhammaan shaqsiyaadka galay danbiyo Qaran, waxa uuna ugu baaqay in lasoo mariyo dhammaan shaqsiyaadka loo arko inay kamid noqon karaan Golaha.

Farmaajo waxa uu si cad u laalay liiska shaqsiyaad gaara oo loolan ugu jiray kamid noqoshada Golaha, kuwaa oo la sheegay in magacaabidooda ay sababi karto kalsooni darro ka dhex dhalata Dowlada iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa dhexda u fadhiya liiska shaqsiyaadka ay Beelaha u garteen inuu matali karo, waxa uuna kala sifeynayaa kuwa daacada ah iyo kuwa dhaqaale uruursiga u diyaar garoobay.

Farmaajo waxa uu dhowr jeer ku celceliyay in Dowladiisa uusan boos uga banaaneyn shaqsiyaadka galay danbiyada Qaran.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Kheyre ayaa axdi kuwada galay in Golaha Wasiirada laga ilaaliyo shaqsiyaadka danbiyada ka geystay Dowlada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com