Xog: Hal beel darteed oo loo magacaabi la’yahay golaha wasiirada

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa wali soo baxaaya warar kala duwan oo laga helaayo dib u dhacyada is xigxiga ee ku imaanaya ku dhawaaqida Golaha Wasiirada xukuumada cusub.

Ra’isul wasaaraha oo inta badan xubnaha Golahaasi diyaariyay ayaa la sheegayaa in caqabad uu kala kulmaayo Beesha Xawaadle oo ku dhagan Wasaarad gaar ah.

Ugaaska Beesha Xawaadle ayaa la sheegay inuu sabab u noqday dib u dhaca Golaha, kadib markii uu ka hor imaaday Wasaarad loo qoondeeyay Beeshiisa.

Ugaaska ayaa dalbaday in Beeshiisa lasiiyo Wasaarada Arrimaha Gudaha ama Amniga, waxa ayna arrintaasi sababtay in Ra’isul wasaaraha uu dib u bilaabo qancinta Beesha Xawaadle.

Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga oo qoondo ahaan lasiiyay Beelaha Abgaal iyo Habar-gidir, ayaa waxaa hadana soo baxaaya in Ra’isul wasaaraha shaki laga galiyay in labadaasi beel uu kala siiyo.

Beesha Xawaadle waxa ay Farmaajo iyo Kheyre ka dalbatay in lasiiyo kursi muhiim ah oo u qalma Beesha oo waayadaani danbe ku xuquuq la’ eed Dowlada.

Lama oga sida uu isku bedeli doono Jadwalka horay loo diyaariyay waxaana suuragal ah in Beesha Xawaadle lagu qanciyo Kursiga ay dalbatay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com