Wararkii ugu dambeeyey golaha wasiirada iyo waxyaabo aan laga fileyn Kheyre oo soo baxay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxay dhagaha shacabka intooda badan u taagan yihiin waxa kasoo yeeri doono xafiiska Ra’isulwasaraha waxaana mar kasta soo baxayo warar kala duwan oo haddana is khilaafsan.

Wararkii ugu dambeeyey ee golaha wasiirada ayaa sheegayo inuu Xasan Cali Kheyre ku jiro la tashiyadii ugu dambeeyey ee golaha wasiirada oo la  filayo inuu ku dhawaaqo asbuuca soo socdo gaar ahaan maalinta Arbacada.

Xogta soo baxeyso ayaa sheegeyso in golaha wasiirada ay noqon doonaa ilaa 25 Wasiir oo aan wax farqi ah u dhaxeyn xukuumadii Cumar Cabdirashiid inkastoo ay is badali doonaan shaqsiyaadka.

Markii ugu horreysay waxaa dhici doonto inay golaha wasiirada kasoo muuqdaan haweyn tiro badan waxaana lasoo sheegayaa inay ugu yaraan 5 wasiir ka heli doonaan xukuumadda Xasan Cali Kheyre.

Sidoo kale wararka ugu dambeeyey ayaa sheegaya inay wasiirada cusub kasoo muuqan doonaan tiro badan oo kamid ah wasiirada Cumar Cabdirashiid ee waqtigeeda dhamaaday taasoo ah waxaan laga fileyn Kheyre.

Beelaha Soomaaliyeed ayaa loolan xoogan ugu jiraan helista wasiirada ugu muhiimsan, waana dhibaatada ugu weyn ee heysata Kheyre maadaama uu ku wareeray codsiyada kala duwan ee ka imaanayo beelaha.

Xafiiska Ra’isulwasaaraha ayaa la geeyey ilaa 350 codsi oo lagu doonayo wasiirada cusub waana tiradii ugu badneyd ee ebed codsato golaha wasiirada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com