XOG: Madaxweyne Farmaajo oo qorsheynaya inuu xilka ka qaado Colonel SHUUTE

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isku dayaya inuu xilka ka qaaday guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimad Online u sheegay in qorshaha xil ka-qaadista Shuute uu qeyb ka yahay isku dayada la doonayo in lagu baabi’iyo baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa horey amray xeer-ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida inay baarto kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Si kastaba, Farmaajo ayaa kasoo horjeeda in kiiska ay Maxkamad baarto, wuxuuna magacaabay guddi soo baara, inkasta oo ay jirto in dhammaan guddiyadii ay horey dowladda ugu magacowday kiisas badan aan meel lagu sheegin.

Balse Farmaajo, oo la rumeysan yahay inuu badbaadinayo shaqsiyaad ka tirsan hay’adda NISA, ayaa doonaya in kiiskan lagu baabi’iyo guddi ay caddahay inaan warkooda dib loo maqli doonin.

Waxaa sidoo kale jirta in Ikraan Tahliil Faarax ay aheyd sarkaal ciidan oo ka tirsan sirdoonka Soomaaliya, sidaas darteedna ay tahay inay baarto oo kaliya Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Sida aan xogta ku helnay, Farmaajo ayaa weydiistay madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe, oo ay xulufo yihiin inuu keensado shaqsi la isku haleyn karo oo loogu beddelo Shuute oo isku beel Hari-Abgaal ah yihiin.

Farmaajo ayaa la sheegay inuu si gaar ah uga codsaday Guudlaawe inuu keeno shaqi uu hubo “inaan dhinaciisa laga soo mareynin,” oo loola jeedo inuu baabi’in doono baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil.

Arrintan ayaa waxaa hadda ka war-helay odayaal ka tirsan beesha Abgaal, oo isku dayaya inay ka hortagaan isku dayga Farmaajo.

Shuute ayaa caan ku ah inuu yahay garsoore caadil ah, oo aan marnaba laga soo caban, wuxuuna horey u xukumay xubno badan oo Al-Shabaab ah iyo askar ka tirsan dowladda oo dilal gaystay.