Ciidamo ‘weeraray’ guriga hooyada wasiir ka tirsan DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda haweenka ee xukuumadda Soomaaliya Xaniifa Maxamed Ibraahim (Xaniifo Xaabsade) ayaa sheegtay in ciidan ka amar qaata madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen ay maanta magaalada Baydhaba ku xireen Hooyadeed, oo sida ay sheegtay ay gurigeeda ku weerareen.

Wasiir Xaniifa ayaa sheegtay in xarigga loo geystay hooyadeed uu la xariiro kala aragti duwanaasho siyaasadeed oo soo kala dhex-galay iyada iyo madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen.

“Waxaan ka xumahay kala duwanaasha siyaasadeed ee madaxwayne Laftagareen iyo aniga in ay ku ekaan waysay siyaasada ee loo dhacay maanta hooyaday macaan gurigeeda ciidan isku sheega nabad sugida southwest  in ay kasocdaan  tagaan oo laba Abdibila ah si iyada usoo xiran bilaa sabab sidoo kale habaryer tay qori lugu qabtay dil loogu hanjabay,” ayey wasiirka haweenka Soomaaliya ku tiri qoraal ay soo saartay.

Sidoo kale Wasiir Xaniifo qoraalkaan waxay ku sheegtay in madaxweynaha Koonfur Galbeed uu qaadan doono mas’uuliyadda dhibkii ka dhasha caburinta shacabka, sidoo kale awooda uu shacabka ku caburinayo ayey u soo jeedisay in Koonfur Galbeed uu uga xoreeyo Al-Shabaab.

“Madaxwayne Abdiaziz ayaa toos masuuliyadaas u qaadaayo wixii meesha kadhaco caburinta shacabka iyo ixtiraam la aan koonfurgalbeed kajirtana haday soo afjarmaysaa insha allah. Ciidanka aad hooyoyinka koonfurgalbeed kubeeqsanaysid fadlan shabaab isaga celi oo dhamaan Koonfur Galbeed ku hareeraysan,” ayey wasiir Xaniifo ku tiri qoraalkeeda.

Tan iyo markii uu Koonfur Galbeed hoggaanka u qabtay Madaxweyne Lafta Gareen waxaa iska soo daba dhaceysa cabashada shacabka iyo siyaasiyiinta oo caburin xad dhaaf ah ka tirsanaya maamulkiisa.

Sidoo kale dad badan ayaa la sheegay in maamulkaas uu xabsiga u dhigay ku qanacsanaan la’aantooda hoggaaminta Lafta Gareen.