Yaa ku adkaaday kursigii ay ku loolameen Dufle iyo Tarsan?

Jowhar (Caasimada Online) – Magaalada Jowhar ee xarunta HirShabeelle oo ay ka socoto doorashada xubnaha Aqalka Sare ka soo gelaya deegaanada maamulkaas waxaa hadda lagu doortay Senator Cusmaan Maxamuud Dufle, oo ka guuleystay laba musharax oo kula tartamay kursigaas.

Dr. Dufle ayaa dib ugu soo laabtay kursigaas oo afartii sano ee lasoo dhaafay uu ku fadhiyey, waxuuna ku soo baxay 68-cod, halka musharax Raage Xasan Xuuti oo la tartamayey uu helay 28-cod

Cusmaan Maxamuud Dufle iyo Raage Xasan Xuuti ayaa isula gudbay wareeg labaad, sidaas ayeyna guushu ku raacday Dr. Dufle, kursigaan waxaa horay loo saadaalinayey inuu ka mid yahay kuraasta wajihi doonta loolanka adag.

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ahaa musharaxa seddaxaad ee kursigaas ayaa ku haray wareegii koowaad ee doorashada, waxuuna helay 19-cod, Danjire Tarsan waxaa wadatay Villa Somalia, balse wareegii koowaad sooma dhaafin.

Dr. Dufle ayaa ah Senatorka afaraad ee illaa hadda lagu doortay Jowhar, waxaana hartay doorashada afar kursi oo kale, doorashada ayaana sii socon doonta illaa berri, sida qorsheeyey, si loo soo dhameystiro 8-da xubnood ee HirShabeelle ay ku leedahay golaha Aqalka Sare.