Xog: FARMAAJO oo sababo amni uga baaqday xaflad lagu qabtay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu Axaddii sababo amni uga baaqday xaflad qalin jebin ah oo loo dhigayay ardey dhameysatay Jaamacadda Umadda.

Saraakiil ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sheegay in saacadihii ugu dambeeyay ee Xaflada uu Madaxweynaha helay warbixin amni oo ka timid xubnaha amniga ee Madaxtooyada, kadibna lagu amray inuu ka baaqdo munaasabadda.

Warbixinta amni ee la helay ayaa tilmaameysa inuu jiray cabsi laga qabo in qof isku qarxiyo munaasabadda iyo warar kale oo sheegayay in cabsi laga qabo hoobiyaal ay Al-Shabaab ku soo ridaan tiyaatarka Qaranka.

Xogta aan helnay ayaa sheegaysa in Madaxweyne Farmaajo uu guddoomiyaha Golaha Shacabka ka dalbaday inuu ku matalo xafladaas, isagoo sababta baaqashadiisana ugu sheegay ka qeybgalka shirar qadka ZOOM-ka.

Madaxweyne kasta oo dalkaan soo mara ayaa noqda guddoomiye sharafeedka Jaamacada Umada inta uu xilka hayo, haddii la waayana waxaa wakiil uga noqon kara guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Sidaan oo kale ayaa la sheegay in Madaxweyne Farmaajo todobaadyo ka hor ka baaqday munaasabadii furitaanka Manhajka Qaranka.

Habeen hore saqdii dhexe ayaa Madaxweynaha loo xiray wadooyinka iyo xaafadaha ku dhow dhow tiyaatarka qaranka oo dhowaan dayactir lagu sameeyay.

Madaxweynaha ayaa kadib xafladda soo saaray war-saxaafadeed uu ugu hambalyeynayo ardayda qali-jebisay.