Xog: Farriinta FARMAAJO loogu gudbiyey kulankii wakiilada beesha caalamka

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahin ayaa kasoo baxeysa shir maanta dhex-maray madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) iyo wakiilada beesha caalamka oo ka dhacay teendhada Afisyoone ee xerada Xalane.

Ilo-wareedyo diblomaasiyadeed ayaa Caasimada Online u sheegay in shirkan uu ahaa mid ay dalbadeen wakiilada Beesha Caalamka ee loo yaqaan C6+, kuwaas oo Farmaajo ugu yeeray inuu yimaado teendhada Afisyoone.

Xogta ana helnay ayaa sidoo kale sheegeysa in wakiilada beesha caalamka ay Farmaajo u gudbiyeen farriin adag oo kama dambeys ah oo la xiriira go’aanka ay ka qaateen muddo korosiga uu sameystay, kaasi oo ay billaabi doonaan dhaqan-gelintiisa haddii aanu ka laaban muddo kororsiga.

Waxaa sidoo kale Farmaajo kulanka loogu gudbiyey nooca cunaqabateyn ee ay wajihi doonto dowladda federaalka, iyo xayiraadaha ay wajahayaan shaqsiyaadka ku lugta leh muddo kororsiga, oo uu ku jiro isaga.

Waxaa sidoo kale xayiraadaha wajahaya guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal iyo labadiisa ku xigeen Cabdiweli Ibraahim Muudey iyo Mahad Cabdalla Cawad, oo Farmaajo siiyey muddo kororsiga sharci-darrada ah.

Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa la sheegay inaysan marnaba aqbali doonin muddo kororsi, ayaga oo rumeysan inay taasi horseedi karto dagaal ka qarxa Muqdisho iyo dowladda fedreraalka ay gebi ahana burburto oo caasimadda laga eryo.