Baarlamanka Puntland oo go’aan culus kasoo saaray muddo kororsiga Farmaajo

Garoowe (Caasimada Online) – Golaha Wakiilada Maamulka Puntland oo maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay magaalada Garoowe ayaa go’aan ka gaaray muddo korosiga Farmaajo kadib cod ay arrintaas u qaadeen.

Kulanka baarlamaanka Puntland ayaa ugu horeyn waxaa khudbad ka hadleysay xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka ku jiro iyo khilaafka doorashada ka taagan u jeediyey madaxweyne Saciid Deni.

Kadib khudbadda uu Saciid Deni, ayaa wuxuu guddoonka ku dhawaaaqay in cod loo qaadayo go’aanka maamulka ee ku aadan muddo kororsiga uu sameystay madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Kulanka Baarlamaanka Puntland ayaa waxa soo xaadiray ilaa 52 mudane, waxaana qaadacay muddo kordhinta uu sameeyey Baarlamaanka Soomaaliya 49 mudane, 1 Xildhibaan ayaa diiday halka 2 Xildhibaan ay ka aamustay.

Kulanka ayaa waxaa si wadajir ah u guddoominayey guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jabriil iyo labadiisa ku xigeen ee Cabdicasiis Cabdulaahi Cusmaan iyo Ismaaciil Maxamed Warsame.

Waxaa weli socda la tashiyo Madaxweynaha Dowladda Puntland la leeyahay Goleyaasha kala duwan ee Dowladda iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, Iyadoo dhowaan Puntland soo saari doonto mowqifkeeda ku aadan muddo kordhinta uu sameystay Madaxweynihii DFS ee Wakhtigu ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Go’aanka kasoo baxay Baarlamaanka Puntland ayaa kusoo aadayo xilli Maanta Beesha Caalamka ay Xalana uga wacday madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo isla markaasna lagu wargeliyey go’aanka ugu dambeeyo ee beesha Caalamka oo ah in dalka ka dhacdo doorasho lana aqbali doonin muddo kordhin haddii ay taas dhacdana la saari doono cuna-qabateyn aan weli nooceeda si rasmi ah loo ogaana.