Axmed Madoobe oo xilalka ka qaaday taliyeyaal ciidan

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta xil ka qaadis ku sameeyey taliyaha ciidanka Booliska maamulkaasi, ku xigeenkiisa iyo agaasimaha hay’adda nabad sugida.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale taliyeyaal cusub u magacaabay xilal kaasi, kadib wareegto maanta kasoo baxday xafiiskiisa.

Taliyaha guud ee Booliska Jubbaland ayaa waxaa loo magacaabay Gaashaanle Sare Maxamed Cabdi Sheekh, halka ku xigeenkiisa laga dhigay Maxamed Guuleed Xasan.

Sidoo kale madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland ayaa agaasimaha hay’adda nabad sugida u magacaabay Maxamed Axmed Sabriye, sida lagu sheegay digreetada.

Saraakiisha hay’adaha ammaanka iyo ciidamada ayaa la faray inay la shaqeeyaan taliyeyaasha cusub ee la magacaabay, kuwaas oo la amray inay xilka la wareegaan.

Wareegtada uu soo saaray Axmed Madoobe laguma shaacin sababta ka dambeysa is-bedalka lama filaanka ah ee lagu sameeyey taliyeyaasha ciidanka maamulka Jubbaland.