Sawirro: Jeneral SAADAQ Joon oo dhufeysyo dagaal ka sameystay Shiirkole

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee ciidamada Booliska gobolka Banaadir, Jeneral Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) ayaa lagu soo warramayaa inuu dhufeysyo ka qotay xaafadda uu dagay ee Shiirkole ee magaalada Muqdisho.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in dhaq-dhaqaaq ciidan laga dareemayo Shiirkole, isla-markaana uu Saadaq Joon carro tuur ka sameystay, si uu uga dhigto dhufeys, haddii ay weerar ku soo qaadaan ciidamada dowladda.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamadiisa ay xirteen dhammaan waddooyinka soo gala xaafaddaasi oo ka tirsan degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Xaaladda ayaa aad u kacsan, waxaana dadka deegaanku ay cabsi ka muujiyanaayn in iska hor imaad uu ka dhaco halkaasi, maadaama ay dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka jiiraan.

Arrimahan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dowladdu shaacisay in aysan duulaan ku aheyn Jeneral Saadaq Joon oo dib ugu laabtay xaafadda Shiirkole oo ay degan tahay beeshiisa.

Si kastaba xalay ayey aheyd markii is-rasaaseyn kooban ay dhex-martay ciidamada ammaanka iyo kuwa Saadaq Joon, waxaana markii dambe u tegay xildhibaano ay isku beel yihiin oo taageero u muujiyey dhanka kalna eedeeyey dowladda Soomaaliya.