XOG: Sidee u dhacay dilka guddoomiyihii Xamar Jajab?

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa weli laga helayaa qaabka uu u dhacay dilkii loo geystay AUN guddoomiyihii degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir, Maxamed Cabdi Xayle oo xalay lagu toogtay xaafadda Sarkuusta ee duleedka Muqdisho.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya inay  dilka fuliyeen saddex rag ah iyo qof dumar ah oo la sheegay inay fududeysay falka lagu khaarijiyey marxuumka, taas oo la sheegay inay iska dhigtay haweenay daris la ah qoyska oo magaceeda lagu sheegay Farxiyo.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sidoo kale shaaciyey in ragga dilka geystay ay wateen Baangad, kuna dhaawaceen guddoomiyaha, iyaga oo kadib sii gowracay.

Sidoo kale waxaa la sheegay in wax ilaalo ah aysan joogin guriga xilliga uu dhacayey dilka qorsheysan ee loo geystay guddoomiyihii maamulka degmada Xamar Jajab.

Dhinaca kale war qoraal ah oo ka soo baxay taliska ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu sheegay in gacanta lagu soo dhigay dad lagu tuhmayo dilkaasi.

Qoraalka Booliska ayaa sidoo kale lagu xusay inay haatan socota baaris lagu hayo eedeysanayaasha la soo qabtay oo la rumeysanyahay in ay ku lug lahaayeen falkaasi.

“Xalay fiidkii ayaa Sar-kuus duleedka Muqdisho lagu dilay Maxamed Cabdi Xayle           (Guddoomiyihii Degmada Xamar Jajab) ee Gobolka Banaadir. Ma aynaan cadeyn qaabka loo dilay guddoomiyaha, waxaa loo hayaa eedeysanayaal la rumeysanyahay in ay ku lug lahaayeen falkaas, baaristiisana waa socotaa,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee taliska Booliska Soomaaliya.

Si kastaba waa gudoomiyihii 2-aad oo billo gudahood lagu dilo Magaalada Muqdisho. 21-kii bishii January ayay ahayd markii la dilay Gudoomiyihii Degmada Hodan, Cabdixakiin Cabdiraxmaan Ciise (Dhegajuun), oo ku dhintay israsaaseyn Ciidanka Booliska iyo ilaaladiisii ku dhex martay inta u dhaxeyso Isgoysyada Aadan Cadde iyo Hawlwadaag.