Sheekh Shariif iyo Jeneral Odowaa oo xalay kulmay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay la kulmay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage, xilli ay aad u kacsan tahay xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Kulankan oo ka dhacay hoyga Shariif Sheekh Axmed uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho ayaan la ogayn waxyaabihii looga hadlay, mana jirto cid Warbaahinta uga warbixisay.

Waxaase soo baxaya warar sheegaya in kulanka diiradda lagu saaray doodda cusub ee ka dhalatay muddo kordhinta uu Golaha Shacabka u sameeyay Hay’adaha Dowladda Federaalka.

Wararka ayaa sheegaya in Shariif Sheekh Axmed uu Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ugu baaqay inaanan ciidamada loo adeegsan dano siyaasadeed oo gaar ah.

Madaxweynihii hore ee Somaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa toddobaadkii hore sheegay in muddo kororsiga Dowladda Federaalka uu dalka dib ugu celinayo xilligii adkaa ee laga soo gudbay.

Sharciga gaarka ah ee jiheynta doorashooyinka dalka ayaa sii kala foggeeyay dhinacyada siyaasadda ee dalka, oo in muddo ahba ku kala qaybsanaa dhabaha loo marayo doorashada dalka.

Si kastaba ha-ahaatee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socdo kulamo iska soo horjeeda, waana xilli qaybo ka mida magaalada ay xiisadi ka jirto.