Daawo: DF oo war rasmi ah kasoo saartay ‘weerarka’ Jeneraal SAADAQ JOON

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Soomaaliya Xasan Xunudbey oo xalay shir jaraa’id qabtay isaga oo ku sugan gurigiisa, ayaa si rasmi ah u sheegay in dowladda aysan wax qorshe ah ka laheyn inay weerarto ama soo qabato Saadaq Cumar Xassan (Joon).

Wasiirka ayaa beeniyey in ay markii horeba qorshahaasi jirey iyada oo la ogaa in habeenkii Arbacada ciidamo badan la dul dhigey xaafadda Shiirkole oo markaas uu ku jirey Saadaq Joon, sidoo kalena mar kale halkaas ciidan la geeyey xalay kadib markii uu Saadaq ku laabtay isaga oo kasoo tegay gurigiisa agagaarka garoonka Aadan Cadde.

“Arrinta ku saabsan Saadaq Cumar Xasan, taliyihii hore ee Booliska Gobolka Banaadir dowladda haddii ay rabto inay tallaab ka qaado saacadihii hore ayay ka qaadi laheyd, laakiin lama qorsheyn ninkas arrintiisa in wax tallaab ah laga qaado, meesha hadda u degan yahay oo xaafado bulsho nabdoon degan yihiin ah in la weeraro wax dan ah oo ku jiro malahan,” ayuu yiri Xundubey.

Xundubey ayaa diginin culus u diray dad uu sheegay inay arrintan siyaasadeynayaan oo ay qas hurinayaan. “Waxaan leenahay faraha kala baxo,” ayuu yiri.

Xundubey ayaa dhinaca kale xaqiijiyey in ciidamada dowladda furfur iyo kala daadin lagu hayo oo ay ka shaqeynayaan siyaasiyiin, waxaana uu ka dalbadey in aan ciidamada la kala furfurin oo siyaasadda laga heshiin doono.

Xaaladda Shiirkole ayaa xalay aad u kacsaneyd waxaan halkaas gaaray xildhibaanada beesha Habar-gidir, si ay u garab istaagaan Jeneral Saadaq, ayada oo sidoo kalena dibad-baxyo waa weyn ay dhigeen shacabka halkaas degan oo ku qeylinayey “Farmaajo dooni meyno”.

Xildhibaanada iyo odayaasha beesha Habar-gidir, oo sidoo kale shir jar’aaid halkaas ku qabtay ayaa sheegay in beesha ay iska difaaceyso Farmaajo, waxayna sidoo kale shacabka Muqdisho ugu baaqeen inay iska difaacaan dowladda Farmaajo.

Hoos ka daawo shirka jaraa’id ee Xundubey