Axmed Madoobe oo weerar culus ku qaaday Farmaajo

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ku laabashadiisii Kismaayo, kadib faah faahin dheeraad ah ka bixiyey fashilka ku yimid wada-hadalladadii u dhexeeyey dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, go’aankii baarlamaanka & doorashooyinka.

Axmed Madoobe ayaa marka hore shaaca ka qaaday in laga gudbi waayay arrimaha gobolka Gedo, amniga, aftida aastuurka, arrinta Somaliland iyo ka gudubka awood qaybsiga beelaha ee 4.5.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sidoo kale eedeyn culus u jeediyey madaxweynaha uu waqtigiisu dhammaaday, isaga oo sheegay inuu god-dheer kusii ridayo dalka.

Sidoo kale wuxuu soo jeediyey in laga hortego qorshaha Farmaajo, si dalkan loo bad-baadiyo, ugana dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah.

“Dhibaatooyinka uu ka hadlayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxba kama jiraan, waxa uu Soomaaliya ku ridayaa god dheer, haddii aan maanta la iska qaban dalka dib ayuu u noqonayaa, Jidadka ayuu ka xiray Dadka Muqdisho waxaana isii dheer habeen weliba cabsi, Doorasho sharaf leh oo xor & xalaal ah ayuu shalay ku yimid, mana wanaagsana in uu ku daydo Efwarki & meelo kale,” ayuu yiri madaxweyne Axmed Madoobe.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray in heshiiska 17-kii September laga doorbiday doorasho qof iyo cod ah oo laga leeyahay dano gaar ah, sida muddo kororsiga la sameeyey.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo Soomaaliya ay gashay xaalad cusub, kadib go’aankii baarlamaanka oo ay si weyn uga horyimaadeen mucaaraka, Jubbaland iyo Puntland.