XOG: Fashilkii Somaliland ka raacay Nairobi oo ay ka dambeysay DF Somalia

Nairobi (Caasimada Online) – Shirkii maal-gashiga Somaliland ee dowladda Hargeysa ay 30-kii November ku qabatay hotel-ka shan xiddiglaha ee Fairmont The Norfolk hotel ee magaalada Naiorbi, ayey guul-darro siyaasadeed iyo niyadjab kala noqotay.

Shirkan ayaa Somaliland ay si aad ah u weyneysay, waxaana madaxweyne Muuse Biixi uu u diray afar wasiir oo heer sare ah, oo kala ah: arrimaha dibedda, qorsheynta dhaqaalaha, gacansiga iyo macdanta.

Si kastaba, wasiirka gacansiga Kenya Peter Munya, madaxweyne ku xigeenka William Ruto, iyo laba xldhibaan oo kale oo Kenyan ah ayaa diiday casuumad ay Somaliland u fidisay.

Ilo-wareedyo diblomaasiyeed oo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in mas’uuliyiinta Kenya ay dideen shirka ayaga oo ka baqaya in iskudhac diblomaasiyeed uu dhex-maro dowladda Soomaaliya ee uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo, oo hadda Kenya ay aad isugu dhow yihiin.

Diidmada mas’uuliyiinta Kenya ee shirka, ayaa waxaa kasii daray, markii dhammaan diblomaasiyiinta fadhiya Nairobi ay ku gacan seereen inay shirka tagaan.

Waxaa sidoo kale meesha ka marneyn in khibrad la’aanta diblomaasiyadda caalamiga ah ee Somaliland ay xaaladda kasii dartay.

Somaliland oo ka hor shirkan si aad ah u buunbuunisay ayaa markii shirka uu dhacay ka gaabsatay inay weyneyso ayada oo inta badan dowladda aysanba soo hadal qaadin, warbaahinta gudahana aysan ku bixin waqti badan.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com