Xog: Gaas oo ka walaacsan ciidamo kuwa Puntland ka mid ah oo uu ka shakiyey

Garoowe (Caasimada Online) – Warar laga heley ilo kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland cabsi ka muujiyey ciidamo gobolka Karkaar dhowaan kaga soo biirey degaanka Tukaraq oo ay Colaadu ka taagan tahay.

Kulan golaha xukuumada Puntland isugu yimadeen khamiistii ayaa warar aan ka helney waxay sheegayaan in Madaxweyne Gaas Wasiirada kasoo jeeda gobolka Kar-Kaar u sheegey in ciidamadii ka yimid magaalada Qardho ahaayeen kuwo dano gaar ah laga leeyahay.

Gaas ayaa sida aan xogta ku heleyno si gaar ah cabasho ugu gudbiyey Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo agaasimaha guud ee Wasaarada arimaha gudaha kuwasoo u sheegey dareenka uu ka qabo imaanshaha ciidaankaan.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Cabdulahi Shiikh Axmad oo ka hadlay kulanka golaha ayaa Madaxweyne Gaas u sheegey in ciidamadaan dowladu ka codsatey beelaha dagan gobolkaas islamarkaana aysan aheyn kuwo dano gaar ah laga leeyahay.

Colaada Tukaraq ayaa asbuucyadii ugu dambeeyey waxaa kaalin wayn ka qaadanayay abaabulkeeda beelaha dagan Puntland kuwasoo jiida hore ku soo gurayey ciidamo.

Cabdiweli Gaas oo inta uu talada hayey hoos u dhigey tayada ciidamada maamulkaan ayaa dadaalada beelahu kaga qayb qaadanayaan difaaca Puntland waxaa uu ku raadinayaa inuu ku sameysto kororsiimo sharci daro ah sida ilo lagu kalsoon yahay u sheegeen warsidahaan.

Cabsida uga weyn ee Madaxweyne Gaas  muujinayo ayaa ah xiligaan in jiida Tukaraq ku soo gurmaan ciidamo beeleedyo aan isaga ka amar qaadan kuwasoo suurtagal tahay iney ka hor-yimadaan hadii uu ku dhawaaqo kororsiimada sharci darada ah ee uu qorsheynayo.

Dhinaca kale wararka la xaqiijiyey ayaa sheeegaya in Madaxweyne Gaas ka cago jiidayo in dagaalka Tukaraq xal nabadeed iyo mid colaadeed mid uun ku dhamaato tan iyo inta qorshihiisa kororsiimada meel marayo.

” Siyaasiyiinta iyo qaar ka tirsan odayaasha gobolka Sool oo ololaha ugu jira in waqti loogu daro Xilli madaxeedka Cabdiweli Gaas  waxaysan ogeyn in talabadaan sharci darada ah ay khalkhal ku keeneyso midnimada shacabka ku midoobey maamulkaan.”sidaas waxaa sheegey siyaasi ku sugan magaalo madaxda Puntland ee Garoowe.

Cabsida Madaxweyne Gaas ka muujiyey ciidamada ka yimid gobolka KarKaar ayaa sidoo kale waxaa sabab u ah, madaama qaar kamid ah musharaxiinta xilka Madaxweynaha u taagan ay kasoo jeedaan degaanadaas.

Puntland ayaa sanadihii u dhexeeyey 2000-2003 waxaa ka dhacey dagaalo sokeeye kadib markii Madaxweynihii xilka hayey waqtigaas sameeyey korirsiimo sharci daro ah.

Xigasho: Garoowe Online