Senator ka tirsan BF oo ka digay go’aan ay dowladda Somalia ka qaadatay ONLF

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Ethiopia ayaa goor sii horeysay ku dhawaaqday in ururka ONLF ay u aqoonsatay urur argagixiso kadib markii ay ku eedeysay inay aad uga soo horjeeda Nabadda iyo Horumarka Ethiopia.

Dowlada Somalia ayaa kamid ah dhinacyada ururka ONLF u aqoonsan urur argagixiso sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay xiliga dhiibista Qalbi Dhagax.

ONLF ayaa dhankeeda ka aaminsan urur xaq u dirir ah oo ay kala feker duwan yihiin iyaga iyo argagixiso maadaama ay u dagaalamayaan in dhulka Soomaalida laga soo celsho gacanta Ethiopia.

Qaar kamid ah Senatorada Aqalka Sare ee baarlamaanka Somalia ayaa aad uga soo horjeeda tuhunka la xiriira in ONLF ay tahay urur argagixiso, waxaana arrintaasi siyaabo kala duwan uga hadlay Senatoro ka tirsan Aqalka.

Senator Axmed Xaashi oo ka mid ah mudanayaasha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ururka ONLF aan loo aqoonsan karin urur argagaxiso ah.

Senator-ka waxa uu sheegay in wax laga xumaado ay tahay in Wasiirada xukuumadda federaalka ay argagaxiso u aqoonsadaan ONLF.

“Wey na dhibeysaa in Wasiirada xukuumadu ay argagixiso u aqoonsadaan ONLF ka hor inta aan la gaarin adduunka kale, waa arrin khaldan in urur gobonimo doon ah lagu tilmaamo argagixiso’’

“Xaqiiqatan aad ayaan ula yaabnay go’aanka kasoo baxay golaha wasiirada, waxaan ka hadleynay waxay ahayd muwaadin Soomaali ah oo la dhiibay, ku dhashay Soomaaliya, ku barbaaray Soomaaliya, wey ka dartay arrintu sidii, waxay aadday in urur la yiraahdo ONLF inuu argagaxiso yahay’’

“Inta badan caalamka uma aqoonsana…micnaha marka argagaxiso laga hadlayo qeex bay leedahay oo caalamka u yaqaanaa, ninka xaq u dirirka ah iyo argagaxisadu Labo micno ayeey kala leeyihiin, ONLF looma aqoonsan karayo Aragagaxiso, waxaa loo aqoonsan karayaa dad xaq u dirir ah”

Isagoo haddalkiisa sii wata waxa uu Senatorka yiri “Baarlamaanka hadaan nahaya, arrinta Soomaaaliya sida wiliasha yar yar ugu ciyaarayaan ma ahan, wey ka weyn tahay, wiil meelahaa ka yimid inuu Soomaaliya xambaarto oo waxeeda oo dhan dusha saarto wey ka weyn tahay, intaas oo Kun oo Soomaali ah baa usoo dhimatay halganka Soomaaliya”

Sidoo kale, waxa uu Senatorka sheegay in fakerkan ay la qabaan Xildhibaano badan oo ka kala tirsan labada Gole waxa uuna ka digay in daacad nimada dhalinyarada ONLF lagu raali galiyo Ethiopia.

Haddalka Senatorka ayaa kusoo beegmaaya xili madaxda dowlada Somalia ay ku kala aragti duwan yihiin magac u tiirinta ONLF.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com