Muxuu KHALADKA xiga ee xukuumadda Xasan Cali KHEYRE noqon doonaa?!!

Tan iyo markii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi  Farmaajo uu Ra’isul wasaare u magacaabay Mudane Xasan Cali kheyre waxaa xukuumadii uu soo dhisay Ra’isul wasaaraha  laga diiwaan geliyay khaladaad shacabka Soomaaliyeed aaney iloobeynin.

Bishii February 2017-kii waxa uu Ra’isul wasaare Kheyre shir jaraa’id ku qabtay bartiisa baraha bulshada Facebook-ga waxaana uu sheegay markii uu magacaabay Madaxweynaha kadib  hadii Baarlamaanka ay ansixiyaan in uu soo dhisi doono dowlad ka turjumeysa shacabka Soomaaliyeed iyo Hadafyada Madaxweynaha.

Mudada ku dhaw labada sano ee uu xafiiska Joogo’ Ra’isul wasaaraha waxaa xukuumadiisu ay ku dhaqaaqday khalaad aaney jecleysan Madaxweynaha Iyo Shacabka waxaana ilaa imika laga sugayaa balanqaadyo farabadan oo shacabka uu u sameeyay, sida ilaalinta Cadaaladda iyo amaanada umadda.

Magacaabista wasiiro horay la tijaabay oo  aaney dalka waxba ku soo kordhin  ayaa kamid ah waxyaabaha  hoos u dhigay wax qabadka Xukuumadda  iyo shaqo ka ceyrinta  wasiirada la ceyriyay iyo kuwa iscasilay.

Khilaafka kala dhaxeeya xukuumadda inta badan Madaxda Maamul Goboleedyada oo isku siyaasad iyo isku argti toona aaney aheyn waxeey cuuryaamin karaan aragtida fog ee dalka uu ka leeyahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya taa oo ah wada shaqeyn ,wax wada qeybsi iyo dib u heshiisiin dhab ah, waxaana xukuumadda dhowr jeer qaar kamid ah madaxda maamul Goboleedyada ku eedeeyeen faragelin iyo ku xadgudub siyaasadeed oo maamuladooda lagu hayo.

Xukuumaddu waxeey ka gaabsatay in dhiibistii Cabdikarim Sheekh Muuse Qalbi Dhagax kadib ay ka qaadato go’aan wanaagsan oo shacabka ku raali noqdaan maadama isla xukuumadda ay u gacan gelisay Itoobiya, balse taasi waa ay ku guul dareysatay oo waxaa xukuumaddu sheegtay in Qalbi Dhagax oo Ah Sarkaalka ONLF  in uu liddi ku yahay nabad galyada gobalka waxaana uu la shaqeeyaa Argagixisada, sidaas waxaa lagu soo saaray war-murtiyeedka shir deg deg ahaa oo golaha wasiiradda xukuumadda isugu yimaadeen, waana mid kamid ah khaladkii ugu weynaa ee Xukuumadda gasho.

Sidoo kale xukuumadda Soomaaliya waxaa la fahasanyahay in ay caburin ku hayso siyaasadaha ka soo horjeeda (Mucaaradka) waxaana arintani ay kaga duwan tahay dhamaan dowladihii dalka soo maray oo xor ka dhigay mucaaradka iyo in ay dalka la hadlaan.

Bishii August 2017-kii Qoraal ka soobaxay  xafiiska Ra’isul wasaare ku xigeenka dalka waxaa wasiirada looga mamnuucay in howlaha ay mas’uulka ka yihiin ee wasaaradaha xukuumadda la xiriira i n aysan kaga waramin dhamaan qeybaha kala duwan ee warbaainta kadib markii 25-kii August 2017 -dhacdadii  lagu laayay dadka shacabka ah ee ka dhacday deegaanka Bariire oo katirsan Gobalka Shabeelaha Hoose , dhowr wasiir ay siyaabo kala duwan uga hadleen  waxaana meesha kabaxday hanaankii ahaa in wasiiradda bulshada u soo bandhigaan wax qabadkooda si loola socdo islamarkaana ugu kalsoonaadaan xukuumadda.

Xukuumadda Soomaaliya ee uu hogaamiyo Ra’isul wasaare kheyre ilaa imika  ma aysan shaacin xuquuqda Muqdisho/ Maqaamka Gobalka Banaadir oo ismaandhaaf siyaasadeed ka taagan yahay tan iyo xiligii uu Gudoomiyaha Gobalka Ahaa Taabid Cabdi.

Howlaha xukuumadda ayaa sii luminaya kalsoonidii iyo Taageeradii Shacabka ay ku qabeen dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo, oo laga rabay in ay ka shaqeyso sidii lagu sii kasban lahaa taageerada Shacabka iyadoo loo sahlayo adeegyada bulshada sida Caafimaadka iyo Waxbarashada.

Hadaba Su’aasho waxeey tahay muxuu noqon doonaa Kkahaldka xiga ee xukuumadda Xasan Kheyre.

W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad
Muqdisho, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid