MAHAD SALAAD: Ceeb iyo calool xumaa haysa kuwii dhiibay QALBI-DHAGAX!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Sarkaalka ONLF Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) oo muddo sannad ku dhow ku jiray gacanta dawladda Ethiopia ayaa iminka laga sii daayay Xabsi ku yaalla magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Deysmada Qalbi-dhagax, ayaa waxaa siyaabo kala duwan uga hadlay mas’uuliyiin ka tirsan dowlada iyo Siyaasiyiin madax-banaan oo dhamaantooda aad u dhaliilay degdega markii hore lagu xiray Qalbi-dhagax.

Qaarkood ayaa dowlada Somalia oo mar sii horeysay iska fogeysay dhiibista Qalbi-dhagax dusha ka saaray in si ula kac ah ay Sarkaalkan ugu gacan galisay Ethiopia.

Xildhibaan Mahad Salad oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa sheegay in Qalbi-dhagax uu ka badbaaday halista xabsiga Ethiopia.

Waxa uu Xildhibaanku tilmaamay in Qalbi-dhagax markiisa hore lagu dhiibay sifo khaldan, hase yeeshee iminka uu dib u helay xorriyadiisa isaga oo caafimaad qaba.

Mahad Salaad oo qoraal ku saabsan deysmada arrinta Qalbi-dhagax kusoo daabacay beejkiisa ayaa yiri “Allahii kaasoo badbaadiyay ciilkii iyo calool xumadii lagu baday ayaa mahad iska leh ee Rabbi ku xamdi Qalbi-dhagax”

Waxa uu intaa raaciyay mudanaha “Kuwii damiirkoodu siiyay in ay dhoofiyaan Abdikariin maanta iyaga ayaa ceeb, ciil iyo calool xumo qaba, waxaan leeyahay ilaahey u toobad keena”

Waxa uu intaa raaciyay  “Waxaan idin leeyahay Umadda Soomaaliyeed iyo miskiinkaas aad dulmiseen cafis weydiista”

Xildhibaan Mahad Salad ayaa horay uga mid ahaa Xildhibaanadii Baarlamaanka ee sida weyn uga soo horjeestay dhiibidii C/kariin Qalbi Dhagax.

Sidoo kale waxaa uu horay u duray in qaraarkii Baarlamaanka Federaalka ee sharci darro ka dhigay dhiibidiisa aan lagu lifaaqin mas’uuliyadda cida leh.

Si kastaba ha ahaatee, Xildhibaan Mahad Salad oo kaalmaha hore uga jira liiska Mucaaradka dowlada ayaa la rumeysan yahay in kiiska Qalbi-Dhagax uu uga faa’iideysanaayo danihiisa Mucaaradnimo ee gaarka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com