Wasiir markii ugu horeysay qiray arrin lagu eedeyn jiray xukuumadda Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Cadaalada Xukuumada Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay cabashooyinkii ay dadka shacabka ah ka qabeen cadaalada.

Wasiirku waxa uu sheegay in Wasaaradiisa ay la dirirtay musuq badan oo ku saleysnaa cadaalada waxa uuna tilmaamay in iminka uu soo hagaagayo sharciga.

Wasiir Xasan Xuseen Xaaji, waxa uu si gaara uga hadlay kiisaska shacabka ee baaristooda la geeyo xarunta Dambi Baarista ee CID-da, waxa uuna taa ku micneeyay talaabo muhiim ah.

“Waa talaabo muhiim ah in CID laga soo bilaabo baaritaanka kiiska danbiga ah, waayo xaruntaasi waxaa jooga dad si gaara loo soo xulay oo ku wanaagsan waxyaabaha barista u baahan”

Waxa uu Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji sheegay in ay muhiim tahay hubinta kiisaska shacabka ee ka soo bilaabanaya xarunta Dambi Baarista ee CID-da.

Waxa uu intaas ku sii daray Wasiir Xasan Xuseen Xaaji in ay tahay in ahmiyad la siiyo cadaalad u sameynta  shacabka waxa uu carabka ku dhuftay marka galka dacwada loo gudbiyo xeer ilaalinta ay u eegaan dhankooda in dacwada tahay mid sharci ah.

Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in ahmiyada ugu weyn ay tahay in xalka koowaad loo helo aaminaada shacabka dhanka cadaalada iyo garsoorka, waxa uuna meesha ka saaray in loo dulqaadan doono wixii sharci daro ah.

“Nidaamka hadda socda waxa uu albaabada u furayaa in shacabka ay si joogta ah u aaminaan cadaalada ka jirta dalka, waa sax wey jiraan caqabado weli taagan balse heerkii hore ma taagna”

Sidoo kale, Wasiirka Wasaarada Cadaalada ayaa hadalkiisa sal uga dhigay dastuurka dalka kaas oo qeexaya dhowrista xuquuqda Muwaadinka iyo Cadaalad u falida muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Haddalka Wasiirka ayaa kusoo beegmaaya iyadoo dhowr jeer uu Madaxweyne Farmaajo dhaliil ka muujiyay cadaalada ka jirta dalka ee lagu dhaqo shacabka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com