Muxuu xildhibaan AXMED MACALLIN FIQI ka yiri sii deynta QALBI-DHAGAX?!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Inta badan baraha bulshada waxaa aad loogu hadal hayaa deysmada C/Kariin Sheekh Muuse Qalbi dhagax oo ah Sarkaal sare oo katirsan Jabhada gobonima doonka ONLF.

Hadal heynta deysmada Qalbi-Dhagax waxaa ka qeybqaadanaya Xildhibaano iyo shaqsiyaad kale oo aad uga faaloonaaya sida lama filaanka ah oo dowlada Ethiopia ay kusii deysay Sarkaalka.

Qalbi Dhagax oo arintaani laga wareystay ayaa sheegay in amarka lagu sii daayay uu lahaa Ra’isul wasaaraha isbedel doonka Ethiopia Abiy Axmed Ali.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah Mudanayaasha baarlamaanka Somalia ayaa kamid ahaa mas’uuliyiinta ka hadlay deysmada Qalbi-Dhagax.

Fiqi waxa uu sheegay inuu aad usoo dhaweynaayo deysmada Qalbi-Dhagax, waxa uuna tilmaamay in tani ay cashar u noqon doonto dowlada Somalia oo uu sheegay inay ka danbeysay deysmadiisa.

Fiqi waxa uu carab dhabay inuu aad uga xun yahay in Qalbi-Dhagax oo markiisii hore laga dhiibay Somalia, ay maanta u danqatay Ethiopia isla markaana lagu sii daayay si sahlan oo aan loo marin dhibtii lagu dhiibay mar hore.

Axmed Fiqi, Isagoo ka hadlaayay xarigii hore iyo deysmada maanta lasiiyaay ayuu yiri “Waa damiir xumo shalay marka uu walaalkiis u jeebaysnaa si Ethiopia loogu dhiibo iyo maanta markii Itoobiyadii loo dhiibay ay asagoo xor ah sii daysay”

“Runtii wuu ka sii farxad iyo qurux badnaan doonaa marka uu dhulkiisa iyo dadkiisa dhex yimaado Qalbi Dhagax, waxaase aad u niyad jaban kuwii shalay dhiibay muwaadinka”

Xildhibaan Fiqi ayaa sheegay in mas’uuliyiintii shalay Qalbi Dhagax u gacan galiyay Ethiopia xitaa aysan ka qeybqaadan dadaalkii lagu sii daayay, waxa uuna tusaale arrintaa ku saabsan usoo qaatay Suldaan Fowzi oo kamid ah shaqsiyaadka iminka gacanta ku haya Qalbi-Dhagax kaa oo warbaahinta u sheegay in Dowlada Somalia aysan kaalin ka qaadan deysmada Qalbi dhagax.

Sidoo kale, Xildhibaan Fiqi ayaa dowlada Somalia ugu baaqay inay qaado talaabo lagu raali galinaayo muwaadinka Qalbi-Dhagax iyo qoyskiisa oo la galiyay xaalad adag mudadii uu ku jiray gacanta Ethiopia.

Dhinaca kale, Dowladda Soomaaliya ayaa la xusuustaa in bishii August ee sanadkii hore u gacan gelisay Ethiopia, waxaana tallaabadaas la xusuustaa in dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo inay ku weysay inta taageeradii shacabka Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com