Xog: Gargaar loo qaaday Warsheekh oo Muqdisho dib loogu soo celiyey kadib markii lacag laga dalbaday

Warsheekh (Caasimada Online) – Waxaa shalay magaalada Muqdisho dib loogu soo celiyay raashin gargaar ah iyo daawooyin loo qaaday qoysas danyar ah oo ku dhibaateysan degaanka Bashaqle ee degmada Warsheekh.

Gargaarkaan ayaa waxaa Muqdisho ka qaaday dhallinyaro ka tirsan Golaha degaanka ee degmada iyo dhalinyaro kale oo degaanka ka soo jeeda, kuwaas oo hore u soo arkay nolal adag oo degaanka ka jirta.

Sida ay xog ku heshay Caasimada Online, gargaarkaan oo Arbacadii ka baxay Muqdisho ayaa waxaa saddex maalin hortaagnaa ciidamo beeleed dalbaday in lacag la siiyo ama aysan socon doonin gurmadka degaanka.

Wadahadal iyo dadaal dheer oo ay sameeyeen maamulka degmada, Xildhibaanada Golaha degaanka iyo Odayaasha dhaqanka ayaa guul darro ku soo dhamaaday waxaana wafdigaasi ku jiray weriyaal Muqdisho laga qaaday si ay usoo tabiyaan.

Degmada Warsheekh oo kamid ah degmooyinka taariikhda fog leh kuma sugna ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya boolis ama milateri balse waxaa laba xarun banaanka magaalada ku leh AMISOM.

Degmadaan ayaa ka tirsan magaalooyinka ku dhib qabta ciidamo beeleedyada oo qaarkood la sheegay in ay ka tirsan yihiin Milateriga Soomaaliya, waxayna nolashooda ka maareeyaan Isbaaro iyo lacago ay ka qaataan suuqyada, gargaarka iyo dalxiisayaasha.