Xog: Diini iyo Ahlu-Sunna oo heshiiyay

Galgaduud (Caasimada Online) – Iyadoo labadii maalin ee lasoo dhaafay uu magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ku sugnaa wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya C/qaadir Sheikh Cali Diini, ayaa waxaa soo baxaya warar hordhac ah oo ku aadan waxyaabaha kasoo baxay kulamadooda.

C/qaadir Diini, ayaa kulamo kala duwan oo qaatay muddo ka badan 12 saac la qaatay xubnaha wadahadalka u matalayay ururka Ahlu sunna ee ku sugan magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Xogta Caasimada Online ay helayso ayaa sheegaya in qodobo dhowr ah ay ku hishiiyaan xubnaha dowlada ee ku sugan Guriceel iyo maamulka Ahlu sunna ee ku sugan degmadaasi.

Qodobada lagu hishiiyay oo ay heshay Caasimada Online ayaa waxaa kamid ah in ciidamada Ahlu sunna iyo dowlada ay qaataan xabad joojin oo markale dagaal uusan ka dhicin degmadaasi.

In Wadahadalka labada dhinac uu sii socdo

In ciidamada dowlada ee ku sugan duleedka degmadaasi dib loogu celiyo magaalada Dhuusomareeb iyo qodobo kale.

Waxaa la qorsheynayaa in wasiirka Gaashaandhiga iyo Ahlu sunna ay si wadajir ah shir jaraa’id u qabtaan oo ay kaga hadlayaan waxyaabaha lagu wada hishiiyay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com