Nairobi (Caasimada Online) – Gen. Fartaag oo ah ku xigeenka hogaamiyaha Jubba oo dhawanahan socdaal ku marayay wadamada Kenya iyo Itoobiya ayaa waxa uu wadamadaasi u gudbiyay dacwad ka dhan ah hogaamiye Axmed Madoobe, ilo xog ogaal ah ayaa sidaas sheegay.
Sida dad ku dhow Fartaag laga soo xigtay, waxa uu Axmed Madoobe ku eedeeyey inuu dowladnimada Jubbaland ka doorbiday in qaab beeled uu ku haysto Kismaayo, melena isaga riixo kuwa aan isaga ku beel ahayn.
“Fartaag waxa uu Kenya iyo Ethiopia u sheegay in Axmed Madoobe uusan ogoleyn cid aan isaga ku beel ahayn” ayuu yiri il wareedka.
Sida ay sheegeeyn ilo-wareedyada, Axmed Madoobe ayaa kadib dacwaddaasi waxaa lagu amray in uu dag dag ku soo galo Nairobi halkaas oo u hada ku sugan yahay mudo maalmo ah waxaana wada-hadallo ay uga socdaan Fartaag iyo Axmed Madoobe, halkaas oo ay ku wehliyaan saraakiil ka kala socota waddamada Kenya iyo Itoobiya.
Qodobada ugu muhiimsan ee ay labada mas’uul ay ka wada hadlayaan ayaa waxaa ka mid ah maareynta dhaqaalaha kasoo xarooda ilaha dhaqaalaha Kismaayo iyo arrinta ciidamada oo ah mida ugu weyn oo la isku haayo.
Gen. Fartaag waxa uu miiska soo saaray labo qodob:
1 – In guud ahaan ciidamada beesha Sade ee ku sugan kismaayo iyo gobweyn ayaga oo wata qalabkooda ay saldhigyo ka samaystaan magaalada Kismaayo loona magacaabo hoggaan u gooni ah, sida kuwa Raaskambooni oo kale.
2 – In la wadaago dhaqaalaha kasoo xaarooda ilaha dhaqaalaha ee kismaayo oo hadda aan wax badan uusan ka helin Fartaag.
Fartaag iyo Axmed Madoobe ayaa dhowr jeer horey isku khilaafay, waxaana khilaafkooda xaliyey Kenya iyo Ethiopia.
Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

