Xog: Gobolka Banaadir oo xubno laga siiyey aqalka sare iyo Gaas oo ku dheggan arrin yaab leh

MUqdisho (Caasimada Online) – Shirka madasha ayaa weli ka socda xarunta madaxtooyada Villa Somalia, waxaana iminka war wanaagsan uu uga soo yeeray dadka degan magaalada Muqdisho.

Wararkii ugu dabeeyay ee shirka ayaa sheegaya in la isla gartay xubno magaalada Muqdisho laga siiyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka cusub.

Ilo xogogaal ah ayaa sheegay in 15 xubnood loo qoondeeyay Gobolka Banaadir, laakiin la isku hayo sida loo qeybsanayo xubnahaasi.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuleed ayaa ku doodaya in xubnaha cusub ee lagu kordhinayo ay ku yimaadaana magaca Gobolka Banaadir iyo caasimadda Muqdisho, laakiin waxaa arrintaasi ka hor jeeda C/weli Gaas oo ku doodaya in Gobolka Banaadir aanu ahayn maamul goboleed.

C/weli Gaas ayaa soo jeediyay in 15-ka xubnood loo qeybsado qaab beeleed oo Soomaali oo xubno ka helaan maadama caasimadda ay tahay meel Soomaali u dhaxeysa, waxaana arritan ay keentay in ka isku mari waayo.

Soo jeedinta Gaas ayaa la yaab ku noqotay Shariif Xasan iyo Guuleed oo la yaaban in Gaas uu wax ka doonayo xubnaha gobolka Banaadir ee uusan deegaanka u lahayn, xilli xubno dheeri ah horey loo siiyey maamulka Puntland.

Guuleed ayaa ku dooday inaanu marnaba aqbali doonin in dad aan u dhalan gobolka Banaadir ay wax ka helaan xubnaha gobolka looga qoondeeyey aqalka sare.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh uu arrintan waanwaan ka galay si laba dhinac tanaasul looga helo, loogana gudbo caqabadan hortaagan shirka Madasha.

Wararka qaar ayaa sheegaya in laga yaabo in 8 xubnoo la siiyo dadka degan gobolka Banaadir, 7 xubnood qaab beel ahaan loogu qeybiyo dhammaan beelaha kale ee Soomaalida.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com