Dibadbax ka dhanna go’aankii DF Somalia oo ka dhacaya Kenya

Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa socdo qorshe lagu dhigayo banaanbaxyo waaweyn oo ka dhacaya meel ka baxsan dalka Soomaaliya, kaasi oo looga soo horjeedo go’aankii dowlada Jaadka ku joojisay.

Ururada mucaaradka dalka Kenya ayaa wada qorshe banaanbaxyo waaweyn ay kaga dhigayaan magaalooyinka dalka kenya, kaasi oo ay kaga soo horjeedaan in jaadkii laga keeni jiray Kenya laga joojiyaa dalka Soomaaliya.

Madaxda Xisbiga Mucaaradka ee dalka Kenya ayaa ugu baaqay shacabka in ay isku soo baxaan magaalooyinka waa weyn ee dalka Kenya si ay u muujiyaan sida ay uga xun yihiin in dowladda Soomaaliya ay joojisay qaadkii loo soo dhoofin jiray gudaha dalka Soomaaliya.

Mucaaradka ayaa  dowladda uu hogaamiyo Uhuru Kenyatta iyo sidoo kale gudoomiyaha gobolka uu qaadku ka baxo ku eedeeyay in ay shacabka kenyaan ay usoo jiideen dhibaatooyinka caburiyay noolashooda.

Shacabka ayay ugu baaqeen in ay sameeyaan banaanbaxyo Nabadeed oo ay ku muujiyaan sida ay uga xun yihiin dhibaatooyinka dhaqaale ee ay u horseedaday dowladooda.

Afhayeenka Xisbiga oo la hadlay wargeys ka soo baxa dalka Kenya ayaa sheegay in dowladda Kenya ay ku fashilantahay in ay wadahadal kala gasho dowladda Soomaaliya hakin qaadka ka hor go’aankii qaadka lagu hakiyay.

Caaismada Online
Xafiiska Kenya
Caasimada@live.com