Sawirro: Puntland iyo Somaliland oo kala bedeshay maxaabiis iyo Gaadiid

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo dhawaanahaani ay maamulada Puntland iyo Somaliland kala qabsadeen Maxaabiis kala duwan ayaa waxaa soo baxeysa in saacadihii ugu danbeeyay ay labada dhinac is weydaarsadeen Maxaabiis dhowr ah.

Labada dhinac ayaa sidoo kale is dhaafsaday laba ka mid ah gaadiidka ka dhex shaqeeya deegaanada Somaliland iyo Puntland.

Labada maamul ayaa Maxaabiista iyo Gaadiidka kula kala wareegay deegaano dhaca xadka ay labada maamul wadaagaan.

Maxaabiista ay labada dhinac is dhaafsadeen ayaa gaaraya ilaa sideed qof oo ay ku kala qabsadeen maleeshiyaad labada dhinac ka soo kala jeeda.
maxaabiis-1

maxaabiis-2

maxaabiis-3

maxaabiis-4

maxaabiis-5

maxaabiis-6

maxaabiis-7

maxaabiis-8

maxaabiis-9

maxaabiis-10