Daawo Faroole: Afartii sano ee Xasan waxay ahayd khasaaro, NGO iyo bililiqo

Garoowe (Caasimada Online) – Murashaxa madaxweynaha dowladda Federalka Somalia Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamud Farole, oo shir jaraa’id xalay warbaahinta ugu qabtay magaalada Garowe, ayaa ka hadlay arrimo ku aadan muddo xileedka dhammaday ee madaxweyne Xasan Sheekh iyo cidda xilka sii hayn doonta inta laga helayo dowlad rasmi ah.

Faroole, wuxuu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh wixii ka dambeeyey 12 Habeenimo taariikhduna ahayd 11 September, 2016 uusan ahayn madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, balse ka mid yahay murashaxiinta islamarkaana loogu yeeri doono madaxweynihii hore ee dalka.

Wuxuu ugu baaqay inuu xilkaasi ku wareejiyo Guddoomiyaha Barlamanka, kaasoo u ogolaanayo Dastuurka dalka, wuxuuna sheegay in mudadii uu dalka u talinayay Xasan Sheekh aysan jirin wax hormar ah oo la sameeyay, isagoo Afartaas sano ku macneeyay; Afar Sano oo khasaaro ah, NGO, Bililiqo, Awooddii Barlamanka oo laga tallaabsada iyo ku noqosho nidaam qabali ah.

Hoos ka daawo shirka jaraa’id ee Faroole

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com