Xafiiska R/W CC oo qorshe cusub isku bedelay kadib go’aankiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno ilo wareedyo ka tirsan Xafiiska Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Ahna Musharax u taagan xilka Madaxtinimo ee Somalia Cumar C/rashiid Cali, ayaa sheegaya in Xafiiskiisa uu isku bedelay goob lagu diyaariyo ololihiisa gaarka ah.

Wararku waxa ay sheegayaan in Ra’isul wasaare Cumar uu halkaasi kulamo gaar gaar ah kula qaato shaqsiyaad la sheegay inay gacanta kula jiraan ololihiisa, waxa uuna halkaasi ku diyaarinayaa qorsho Siyaasadeedkiisa cusub.

Ilo wareedka ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in Xafiiska Ra’isul wasaaraha muddo Afar cisho ah aysan ka socon shaqooyinkii loogu tallo galay, iyadoo sidoo kale halkaasi lagu qabto shaqooyin ka madaxbanaan howlaha dowlada.

Shaqsiyaadka uu Xafiiska ku qaabilo Ra’isul wasaare Cumar ayaa waxa ay isugu jiraan Siyaasiyiin kamid noqon doonta Baarlamaanka Somalia, Odayaal dhaqmeed iyo Dhalinyaro loo carbiyay adeegyada Sharmaarke gaar ahaan kuwa ku xeeran arrimaha doorashada.

Sidoo kale, Xafiiska Sharmaarke ayaa waxaa ka socda heshiisyo u dhexeeya isaga iyo mas’uuliyiintaasi waxa uuna xooga saarayaa sida uu ku kasban lahaa dhinacyada suuragalinkara keenista codadka uu kusoo bixi lahaa.

Ra’isul wasaare Sharmaarke ayaa muddo laba maalin un ka hor shaaciyay inuu yahay musharax u taagan qabashada xilka Madaxweynenimo ee Somalia.

Ma cadda sida uu arrintaani ka yeeli doono Madaxweyne Xassan Sheekh oo qudhiisa ah Musharax la tartamaaya Sharmaarke.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com