Xog: Baadiyow oo hamigiisii uga tanaasulay C/Weli Sheekh (Daciifnimo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharixii Madaxweynaha sanadkii 2012 oo dad badan u saadaalinayeen inuu guul ka soo hoyn doono doorashii uu galay ayaa mar labaad mugdi ku jiraa inuu u sharxan yahay xilka Madaxweynaha.

Dr. C/raxmaan Macalin Baadiyow ayaa waxaa wararku ay sheegayaan inuu heshiis awood qeybsi la galay ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Weli Sheekh Axmed.

Heshiiska ayaa ah in Baadiyow uu musharaxnimadii xilka Madaxweynaha uga tanaasulo Ra;iisal wasaarihii hore C/weli Sheekh Axmed isagoo heshiis hoose kula galay inuu noqdo ra’iisal wasaare, haddiina uu ku guuleysto xilka.

Arrintan ayaa soo shaac baxday kadib markii uu Muqdisho ku soo laabtay, waxaana arrintan ay dad badan oo taageerayaashiisa ka mida ku abuurtay niyad jab, iyadoo weliba rajo badan laga qabay inuu doorashada 2016 meel fiican kasoo geli karay.

Wuxuu ka dhex muuqdaa musharixiinta shaaciyay inay u taagan yihiin xilka madaxweynaha Soomaaliya, isagoo aan musharax ahayn, waxayna dad badan rumeysan yihiin inuu ka fursad wanaagan yahay musharax uu daba galay.

Dadka qaar ayaa tani u arka daciifnimo ka timid Baadiyow oo ah aqoonyahan sumcad ku leh Soomaaliya, ayaga oo qaadan waayey inuu u tanaasulay nin qabyaalad ku caan baxay oo intii uu xilka hayey muujiyey sida uu neceb yahay dadka Baadiyow uu ka dhashay.

Waxaa sidoo kale is-weydiin mudan, haddii uu Cabdi Weli ku guuleysto madaxtinimada inuu kasoo bixi karo ballantan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com