Xog: Cabdi Weli Sheekh Axmed oo colaad u horseedaya Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia C/weli Sheekh Axmed, ayaa magaalada Muqdisho ka wada ololo lagu qalqal galinaayo amniga magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia.

C/weli Sheekh ayaa maalmihii ugu danbeeyay magaalada Muqdisho kawaday ololo lagu dhaqan galinaayo dibadbaxyo ka dhan ah xasiloonida ka jirta dalka.

C/weli Sheekh, ayaa ka faa’iideysanaaya wakhtiga kala guurka ee uu dalka ku jiro waxa uuna tashkiilin ku hayaa dhalinyarada si ay u dhigaan dibadbaxyo.

C/weli Sheekh, ayaa ololahaani u adeegsanaaya midowga Axsaabta, waxa ayna tani dhibaato aan laga kabsan u horseedi kartaa dalka maadaama xiliga lagu jiro uu yahay mid aan wacneyn.

Ololahaani ayaa xoogiisa ka socda Hoteel Jazeera ee magaalada Muqdisho, waxaana la soo warinayaa in halkaasi lagu dagaayo qorsho lagu qalqal galiyo amniga.

Hoteelka ayaa waxaa sidoo kale lagu diyaarinayaa dhalinyaro uu C/weli Sheekh u diyaarinaayo abaabulka dibadbaxyadaasi, sida ay xaqiijiyeen xubno qeyb ka ah garabka Mucaaradka.

Qorshahaani uu la daala dhacaayo C/weli Sheekh ayaa dalka u sababi kara burbur iyo xasil darro waxaana sidoo kale garab boodaaya Ganacsto.

Ma cadda qaababka loo dhaqan galin doono qorshahaani waxaase cad in tani ay dhibaato galin doonto dalka, waa haddii aan laga gaashaaman.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com