Faquuq cusub: Puntland oo hadal yaab leh ku tiro culimada koonfurta ka yimid ee deeganadeeda (Dhageyso)

Boosaaso (Caasimada Online) – Faquuqa reer Puntland ay ku hayaan dadka kasoo jeeda koonfurta ayaa gaaray heer cusub markii ay mas’uuliyiin sare weerar ku qaadeen qaar ka mid ah culumaa’udiinka Puntland ee kasoo jeeda koonfurta.

Guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays(Dhado) ayaa sheegay in culimada Puntland looga baahan yahay waxa socda ee dhibta ku ah bulshada iney ka hadlaan oo dadka uga digaan, taasi oo uu sheegay in culimada koonfur ka yimid aysan ka hadlin..

“Hadey intoodii fiicneyd Masaajidka wadagaleen intii xumeyd iyagaa laga rabaa iney wax u sheegaan ,waxa weeye waan Xaq dhowraynaa ,waan soo dhaweynaynaa laakiin laakiin eed aanan lahayn culimada ka qaadan mayno” ayuu yiri

Guddoomiyaha gobolka Bari ayaa u sheegay culimada koonfurta in aysan xaq u lahayn waxa ka jira deegaan aysan u dhalan iney ka hadlaan balse ay haboonayd waxa ka jira deegaanadooda ka hadlaan.

“Qofku xaq wuxu u leeyahay in deegaankiisa uu ka hadlo ,waxa weeye haddii uu soo talaabo oo halkan noogu yimaado oo hadda deegaankiisa aan Ognahay waxa ka jira ha u digo ehelkiisa iyo wixii dad ugu xigay,waa qeyb kamid ah Culimada” ayuu yiri.

Taliyaha qeybta Booliska gobolka Bari Cabdixakiin Yuusuf Xuseen ayaa isna dhankiisa ku sheegay culimada Puntland ee koonfurta kuwa aan ka hadal xaalada taagan taasoo ay ugu danbeysay Qaraxyadii Gaalkacyo.

“Waa dhaweyd kuwii lahaa Fannaaniin iyo magaciisi bey Madaxtooyadu sameysay kama aysan hadlin Qaraxii intii la ogaa le’ekaa ,khamradaas iyo dhibaatada wadanka ka jirta kama hadlaan” ayuu yiri

Hoos ka dhageyso Cadkooda

[su_audio url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2016/09/faquuq-cusub.mp3″]

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com