Xog: Guddiga doorashooyinka oo si dadban looga taqallusay.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyeyaasha Madasha Qaranka ayaa sameeyey qorshe ay kula wareegayaan awoodda Guddiga Doorashooyinka [FIET] sida laga arki karo war-murtiyeedka ay kasoo saareen shirkoodii Muqdisho.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Dadban FIET Garyaqaan Cumar Dhageey ayaa qorshaha madaxda Madasha qeyb ka ah, kuna raacay fikirkooda ku aadan in ay si xeeladeysan ula wareegaan Go’aan ka gaarista qaabka, waqtiga iyo sida doorashadu u dhaceyso, waxaanna meesha ka baxay in Guddigu ay caddeeyaan arrimo xasaasi ah oo bug-dhig u noqon kara in dalka ay ka dhacdo doorasho loo wada siman yahay.

Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online waxeey sheegayaan inuu jiro heshiis is-afgarad ah oo dhexmaray Garyaqaan Cumar Dhegay iyo xubno ka tirsan Madasha oo uu ku jirto Madaxweyne Xassan Sheekh.

Waxaa qoddobada heshiiska ka mid ah: In tillaabooyinka Guddiga ay noqdaan kuwa marka hore soo mara xubnahaasi, lagana wada-shaqeeyo sida uu meelmar ku noqon karo rabitaanka Madaxweyne Xassan Sheekh oo ka mid ah musharixiinta tartamaya,  iyada oo nidaamka la marayo loo ekeysiinayo mid sharci ah.

Isbaheysiga ay ku middeysan yihiin musharixiinta, ayaa goor dambe oo shalay ahayd qeyla-dhaan gaarsiiyey  wakiilada beesha caalanka iyo Wakiilka Xoghayaha Guud ee Q/Midoobay Michael Keating, ayaga oo arrintan ka cabanaya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com