Xog: Guddiga maaliyadda BF oo diiday yabooh lacag ka-hor inta aan la kala dirin

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubno ka tirsan guddiga maaliyadda baarlamanka Soomaaliya ee la sheegay in maanta la kala diray, ayaa Caasimada Online u sheegay inay diideen yabooh lacageed oo xukuumadda ay u sameyeysay.

Ilaa saddex xubnood oo ka mid ah guddiga ayaa sheegay inuu u yeeray guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamanka Mahad Cawad, kana codsaday inay la shaqeeyaan xukuumadda, oo ay joojiyaan eedeymaha musuq-maasuqa.

Arrintan ayaa timid kadib markii guddiga uu soo saaray toddobaadkii tegay warbixin si xooggan ugu eedeysay xukuumadda Kheyre inay musuq maasuq xooggan ku kacday ayada oo lagu la’yahay lacag gaareysay 42 milyan oo dollar.

“Waxaa naloo sheegay inaan lacag qaadanno, oo aan xukuumadda ka joojino eedeymaha, balse waan diidnay” ayuu yiri xubin ka mid ah guddiga oo la hadlay Caasimada Online balse codsaday inaan la magacaabin.

Waxa ay sheegeen in loogu hanjabay in haddii aysan la shaqeyn xukuumadda, la kala diri doono guddiga, lana soo magacaabi doono guddi cusub, taasi oo maanta dhacday.

Xubno ka mid ah guddiga oo ilaa 10 gaaraya ayaa horey ula saftay xukuumadda, kadib markii sida la sheegay ay is-fahmeen, ayada oo aan la macneyn is-fahamkaas.

Xiriir aan la sameynay xafiiska Mahad Cawad, nooma suurta-gelin inaan helno si ay arrintan uga jawaabaan.

Guddoonka golaha shacabka ayaa maanta sheegay in kala diray guddiga miisaaniyada, maalliyadda, qorsheynta iyo la xisaabtanka ee golaha ayadoo gudoonka uusoo dhisi doono gudi cusub.

Warqad kasoo baxday guddoonka oo uu ku saxiixan yahay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamanka Cabdi Weli Muudeey ayaa lagu sheegay in kala diristan ay ka dambeysay kadib markii xubnaha guddiga ay ku xadgudbeen xeer hoosaadka baarlamanka, islamarkaana xubnaha uu khilaaf soo kala dhex-galay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com