Guddoonka BF Somalia oo sheegay in ay kala direen guddigii maaliyadda BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoonka golaha shacabka ayaa kala diray guddiga miisaaniyada, maalliyadda, qorsheynta iyo la xisaabtanka ee golaha ayadoo gudoonka uusoo dhisi doono gudi cusub.

Warqad kasoo baxday guddoonka oo uu ku saxiixan yahay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamanka Cabdi Weli Muudeey ayaa lagu sheegay in kala deristan ay ka dambeysay kadib markii xubnaha guddiga ay ku xadgudbeen xeer hoosaadka baarlamanka.

Waxaa sidoo warqadda lagu sheegay in sababta kala dirista ay tahay yada oo xubnaha guddiga ay is-khilaafeen, iskuna hor khilaafeen guddoonka hortiisa.

Warqadda Muudeey ayaa sidoo kale u muuqata in kala dirista ay tahay mid ku timid soo jeedinta guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamanka Mahad Cawad, oo si aad ah ugu xiran xukuumadda.

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo gyddigan ay dhowaan soo saareen warbixin musuq-maasuq xooggan ku eedeysay xukuumadda ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, oo fadeexad ay ka raacday arrintan.

Kala diristan ayaa muujineysa awoodda xukuumadda iyo sida baarlamanka u noqday meel ay xukuumadda maamusho.

Hoos ka aqriso warqadda.