25 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

XOG: Gurceel oo lagu qabtay Saraakiil PUNTLAND ah oo dagaalka hurinaayay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Degmada Gurceel ee Gobolka Galgaduud, ayaa sheegaya in Ciidamada DF Somalia, ay halkaasi ku qabteen Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsanaa Maamulka Puntland oo loo soo wakiishay inay carqaladeeyan Shirarka lagu dhisaayo Maamulka Gobolada Dhexe.

Wararku waxa ay sheegayaan in Saraakiisha iyo Ciidamadu ay kamid ahaayen Maleeshiyaadkii dagaalka kula jiray Ciidamada DF Somalia, kuwaasi oo garabsiinayay Ciidamada Ahlu sunna waljameeca.

Maxamed Noor oo kamid ahaa Ciidamada DF Somalia ee halkaasi ku sugan, ayaa sheegay in Maamulka Puntland uu hurinaayo dagaalka ka socda Degmada Gurceel ee Gobolka Galgaduud, waxa uuna tilmaamay in Saraakiisha iyo Ciidamada ay qabteen ay xaqiijiyeen in laga soo diray Magaalada Garoowe, islamarkaana uu u jeedkoodu ahaa inay carqaladeeyaan Ammaanka si aan u dhicin shirka Maamul u sameynta Gobolada Dhexe.

Sidoo kale, waxa uu carabka ku dhuftay in Ciidamada ka socda Puntland ay ka garab dagaalamayaan Ahlu sunna Waljameeca oo ay la galeen heshiis hoosaad ay isku fahmeen.

Arrintaani ayaa waxa ay kusoo aadeysaa xili uu Maamulka Puntland kasoo horjeedo go’aanka Gobolada Dhexe loogu sameynaayo Maamulka, waxa ayna xiligaani Dhaqaale iyo fikirba ku bixineysaa sida uusan u qabsoomi laheyn Shirkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News